Qureecda Oo laga Iska Daayaa Waxay Khadar Galin Kartaa Wadnahaaga

Qureecdu waa cuntadda ugu muhiimsan ee uu qofku qaato, waxaana doodaha ugu badan ee caafimaadka ee la xidhiidha cuntooyadda u jidhku u baahan yahay si weyn loo amaanaa in ay muhiim tahay inuu qofku u qureecdo sida boqoradda subixii.

Joornaalka Cilmi-baadhista Deegaanka iyo Caafimaadka Dadwyenaha ayaa 2019 daabacay daraasad, waxaanu sheegay in dadka todobaadkii hal mar qureecda ay ka khatar yar yihiin inay ku dhacaan xanuunadda wadna marka la barbar dhigo kuwa aan gab aan qureecan.

Dadka gabi’ ahaanba qureecda iska daaya ayaa khatar ugu jira inay ku dhacaan xanuunadda wadnaha kuwaasi oo sababi kara in miisaankoodu saa’ido, inuu macaan ku dhaca iyo inuu dufanka jidhku ku batto (Cholesterol), kaasoo sababa in xididada dhiiga qaada ay yaraadaan.

Daarasad kale oo ay sameysay Journal of the American College of Cardiology 2019 ayaa ay ku sheegtay in dadka qureecda iska dayaa ay kordhi karto khatarta ay ku dhiman karaan iyadoo ay sababi karto dhimashadaasi xanuunadda wadnaha ku dhaca ee ay keento qureec la’aantu.