Qaybo Ka Mida Goob Joogeyaashii Doorashada Somaliland Oo Oo Amaanay Hanaankii Ay U Dhacday Doorashadaasi

HARGEYSA – (WARSOOR) –  Goob joogeyaasha xaruntoodu  tahay Koonfur Afrika  ee Somaliland u yimi sida ay u dhacayso doorashada  goleyaasha Wakiiilada iyo deegaanka ayaa sheegay in doorashadaasi ahayd mid u dhacday six or iyo xalaal ah.

Dr. Greg Mills agaasimaha xarunta The Brenthurst Foundation ee fadhigeedu yahay dalka South Africa ayaa warbixintaas u akhriyey warbaahinta waxana uu sheegay inay soo mareen goobo badan oo ku kala yaala gobolada dalka kuwaas oo ay ku soo arkeen sida ay dadku codkooda u dhiibanayeen waxana uu sheegay in marka laga yimaado dhacdooyin yaryar oo goobaha qaar ka dhacay sida goobaha oo aan hore loo bilaabin shaqada in doorashadu ay ahayd mid hufan, dimoqraadi ah oo si weyn loo aamini karo.

Waxa kale oo goob joogeyaashaasi ay warbixintooda ku sheegeen in goobolihii kala duwanaa dhammaan gobolada dalka ee ay kormeerka ku soo mareen ay ku soo arkeen waxyaabo yar-yar oo aan waxba u dhimin habsami u socodka doorashada, se ay si guud doorashadasi ahayd mid u qabsoontay hannaan wanaagsan.

Agaasimaha xarunta The Brenthurst FoundationDr. Greg Mills ee fadhigeedu yahay dalka South Africa wuxuu noqul ka mid ah warbixintaas oo ka koobnayd toban bog oo ay ka soo saareen doorashooyinka Somaliland ku wareejiyeen  guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirshiid Maxamuud Cali Riyo Raac.

Ugu dambayn guddoomiyaha komishanka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) ayaa goob joogeyaashaas uga mahadceliyay sidii ay u qiimeeyeen doorashooyinkaas isku sidkan ee ka qabsoomay Somaliland 31 May 2021.