Qatar oo Soomaaliya ka caawineysa dhismaha Ciidamada iyo horumarinta dhaqaalaha

Qadar – (warsoor) – Wafdiga Wasiirrada ah ee la socday madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmay dhiggooda Dalka Qatar, waxayna ka wada hadleen sidii iskaashi buuxa ay u yeelan lahaayeen Wasaaradaha ay kala matalaan ee Labada Waddan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid Maxamed C/laahi ayaa la kulmay dhiggiisa Dalka Qatar Khalid bin Mohammad Al Attiyah.

Mudane C/rashiid Maxamed ayaa ka sheekeeyay baahida ay u qabto Soomaaliya dib u dhiska Ciidanka, qalabka iyo xagga tababarrada intuba.

Wuxuuna dhigiisa Dalka Qatar Mr; Al-Attiyah ballan qaaday inay kasoo dhalaali doonaan doorka kaga aaddan caawinta iyo taageerada guud ee ay u fidinayaan walaalahooda Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa isagana la kulmay dhigiisa Dalka Qatar Dr; Saleh Al-Nabi.

Waxanay isla meel dhigeen wasiirradu sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo maal gashiga, si ay loo kobciyo wax soo saarka ay Soomaaliya qaniga ku tahay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa isna kulan kaas la mid ah la qaatay dhiggiisa Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Waxanay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlaha horumarinta Dalka Soomaaliya iyo fulinta mashaariic uu ballan qaaday Amiirka Dalkaasi.

Wafdiga Madaxweynaha oo booqasho Laba Cisho ah ku joogay Waddanka Qatar ayaa la filayaa iney Dalka dib ugu soo laabtaan Maanta oo jimco ah.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.