Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Muqdisho – (warsoor) – Qarax xoogan ayaa ka dhacay meel u dhaxaysa xarunta madaxtooyadda Soomaaliya iyo huteelka SYL ee magaaladda Muqdisho waxaana la shaaciyey inay ku dhigteen ugu yaraan 22 qof waxana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 30 qof.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qaraxan ismiidaaminta ah ee maanta lala beegsaday xarunta madaxtooyadda horteeda.

Car_explosion

Madaxda Qaranka Soomaaliya ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo ehelada Dadkii ku dhintay qaraxii maanta, waxaana inta ku dhaawacantay ay Alle uga baryeen in siiyo caafimaad degdeg ah.

Qaraxan maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho waxaa dhaawacyo fududi ay ka soo gaadheen Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Nuur Faarax Xirsi, iyo Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xaga oo xilliga qaraxa hotelka ku sugnaa, waxaa sidoo kale dhawacyo fudud ay soo gaadheen, xildhibaano iyo wariyeyaal ku sugnaa agagaarka goobta uu weerarku ka dhacay.

Ciidamadda Amaanka iyo kuwa AMISOM ayaa soo gaadhay goobta uu qaraxu ka dhigeen waxaanay ka bilaabeen hawl-galo ay amniga ku sugayaan.

Dadka ku dhaawacmay weerarkan ayaa xaaladooda caafimaad waxaa lagula tacaalaya cusbitaalka Madiina ee magaaladda Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.