Qarax Mudisho Ka Dhacay iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Muqdisho – (warsoor) – Inta la ogyahay 5-ruux ayaa ku geeriyootay Qarax loo adeegsaday Gaadhi oo ka dhacay Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Xalane ayaa Warfidiyeenada u sheegay in Dadka geeriyooday ay  ka mid yihiin  2-ruux oo la socday gaadhiga ay ka buuxeen walxaha qarxa, laba ka tirsan ciidanka boliiska iyo qof rayid ah.

Qarax_muqdisho

Sidoo kale Dadka  geeriyooday waxaa ku jiray kuwo  shacab ah oo marayay waddada xilliga uu Qaraxa dhacayay, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray 8-qof oo rayid u badan.

Qaraxa ayaa la doonayay in lagu galo xarunta Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Fiisha Taraafiko oo ku taalada Degmada Shangaani, hayeeshee Ciidanka ammaanka ayaa ka hortagay.

Goobta uu ka dhacay Qaraxa ayaa haatan waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan Dowladda iyo waliba Ciidamo badan, kuwaasi oo adkeeyay ammaanka goobta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caadeestay weerarada nuucaan oo kale ah oo markasta ay fashiliyaan Ciidanka ammaanka.

Xigasho: Sonna

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.