Qarax Khasaare weyn Gaystay oo Dhacay Magaaladda Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Qarax weyn ayaa maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho gaar ahaana Suuq ku yaala degmadda Wadda-jir, waxaana ilaa hadda la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof ilaa 47 qofna ku dhaawacmeen.

Qarxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxana lala beegsaday goob ay ku yaaleen maqaaxiyo yaryar iyo goobo Jaadka lagu iibiyo.

Gudoomiyaha degmadda Wadda-jir oo ka hadlay goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegay wakhtigii uu qaraxu dhacay in ay ahayd xili uu suuqu ahaa mashquul, waxaan markii uu qaraxu dhacay batay dadka ku dhintay iyo kuwa waadhac ah oo la kala garan waayey.

Ciidamada Amaanka ayaa sheegay in dadka ku dhintay ay tiraddoo dhan tahay 30 qof, halka dadka goob-jooga ahina ay sheegayaan indhahooda ku arkeen ilaa dhawr iyo toban qof oo dhintay, tiro kale oo aad u badanina ay ku dhaawacmeen.

Dawladda ayaa goobtu qaraxy ka dhacay ku daad guuraysay cutubyo ka mid ah ciidamada amaanka, waxaan goobta ka socday baadhitaano laga waddo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.