Qarax Khasaare Dhismasho iyo Dhaawac Gaystay oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa goor dhawayd magaaladda Muqdisho ka dhacay qarax aad u xoogan waxaana ku dhintay dhawr qofka, waxaana ku dhaawacmay ilaa dhawr iyo toban qofka ilaa inta hadda la xaqiijiyey.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaadhi waxlaha qaraxa laga soo buuxiyey, waana ka dhacay maqaaxida Baarta oo u dhow wadda Afisyoone ee gasha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Ciidamadda amaanka iyo gaadhida gurmadka caafimaadka ayaa goobtaasi gaadhay, waxaana hadda socda gurmadda loo fidinaayo dadka ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Taliyaha ciidamadda Booliska ee gobolka Banaadir gaashaanle sare Bishaar Abshir Geedi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadaa amaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii wadday gaadhiga Qarxay. Balse Taliyaaha ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah oo intaasi dheer bixiyo, waxaanu sheegay inuu bixin doona war dheeraad ah marka ay hawsha baadhistu soo dhamaato.

qarax-muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.