Qarax ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Muqdisho – (warsoor) – Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay Qarax khasaare geystay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xukuumaddu waxaa qaraxan ku dhintay 10 qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo tiro badan.

Xarkadda Al-shabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo joogta ah ku soo qaada magaalada Muqdisho iyo goobaha ay ku sugan yihiin madaxda iyo ciidamada Soomaaliya, iyo sidoo kale goobaha ay dagan yihiin ciidamadda hawl-galka Amison ee ku sugan goboladda Soomaaliya.

Afhayeenka maayarka Muqdisho Cabdifataax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi, “Qaraxan waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 20 qof. Qaraxan ayaa burburiyey dhismihii xarunta degmadda Wadda-jir, waxaa sidoo kale ku in  badan 10 baabuur”.

Somali policemen assess the scene of an attack on a government building in Mogadishu, Somalia June 20, 2017. REUTERS/Stringer NO RESALES. NO ARCHIVES

Saraakiisha dawladda ayaa sheegay in ay weerarkan soo maleegeen xarakadda Al-shabaab.

Afhayeenka Alshabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi, “Qaraxan waxaa loo adeegsaday baabuur lagu bartilmaameedsaday dhismaha xarunta maamulka degmadda Wadda-jir oo ay ku sugan yihiin maamulka dawladda iyo shaqaalahood. Qaraxan waxa ku dhintay qaar ka mid ah saraakiisha dawladda iyo shaqaalahooda. Goor dhow ayaanu idiin sheegi doonaa tiradda dadka ku dhintay weerarkan”.

Todobaadkii hore ayaa xarakadda Al-shabaab weerar ay ku qaatay huteel ku yaalay magaaladda Muqdisho waxay weerar ay u adeegsatay gaadhi walxaha qarxay laga soo buuxiyey iyo rasaas lala dhacay weerarka ka dib dadkii ka badbaaday qaraxa. Weerarkaasi waxaa ku dhintay ilaa iyo 19 qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.