Qarax goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Gaari Miineysan ayaa goor dhow waxa uu ku qarxay inta u dhexeysa Tiyaatarka Qaranka iyo Ex-Fiyoore ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amiga Qaranka Soomaaliyeed C/kaamil macallin Shukri ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in Gaariga qarxay uu ahaa nooca raaxada, kaas oo si xoog ah kusoo dhaafay goobta baarista gaadiidka ee agagaarka Teatre-ka.

qaraxa-muqdisho

Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay in Gaarigani uu halkaasi ku rogmaday, isla markaana uu ku dhintay Naftii halligahii waday Gaariga, halka ay Saddex Rayid ah oo goobta ka dhowaana ay ka dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka Qaranka ayaa feejignaan dheeri ah ku jiray xilligii uu falkaasi dhacay, sida uu sheegay Afhayeenka, taasi ayaa keentay inuu yaraado qasaaraha Qaraxan.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka qaybta Waliyoow Cadde ee Gobolka Banaadir,Col: Maxamed Daahir ayaa SONNA u sheegay in Qaraxa lala damacsanaa Gaarigiisa oo goobta marayay, balse uu ka badbaaday.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.