Qarax gaari oo aan khasaare geysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Qaraxu waxa uu ka dhacay meel ku dhow guriga hooyooyinka ee gobolka Banaadir.

Intii aanu gaarigani qarxin waxaa ka war helay ciidammada ammaanka oo ku raad joogay kuwaas oo dadka uga digay in ay u dhowaadaan.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yarisow oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in qaraxan aan cidina dhaawac iyo dhimasho ka soo gaarin.

“Gaarigan waxaa ka war helay hay’adaha ammaanka oo ku raad joogay, intii ay jidka ku soo jireen qolyaha miinooyinka qaabilsan si ay u furfuraan, ayuu qarxay mana jirto cid dhaawac ama dhimasho ka soo gaartay” ayuu yiri Waziir Yariisow.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ciidammada ammaanku ay aad u adkeeyeen ammaanka goobta uu ka dhacay qaraxan fashilmay.

Guud ahaan ammaanka caasimadda ayaa aad loo adkeeyay iyadoo loo dabaaldegayo maalinta 15-ka May oo ah ah 74 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii ururkii dhallinyaradii xornimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.