Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Muqdisho

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay ilaa 6 qof oo kalena dhawacyo ayaa ka soo gaadhay qarax maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxaha laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey qaraxan maanta [Arbaca] ka dhacay Isgoyska Banaadir iyo khasaaraha ka dhashay, waxaanu sheegay in qaraxani dhacay 9kii subaxnimo ee maanta, xili ay dad badan iyo baabuuri ay maraysay jidka Isgoyska Sayidka.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhinteen inta la ogyahay 3 qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 6 qof dadka oo u badnaa dad rayid ah oo goobta maraayey iyo shaqaale dawladeed. Waxaa sidoo kale khasaare soo gaadhay baabuur iyo guryo ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan waxaanay sheegeen inay bartilmaameedsanayee xubno ka tirsan masuuliyiinta Villa Soomaaliya iyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.