Qarax dhaliyey dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhacay Baardheere

BAARDHEERE — (WARSOOR) – Ilaa afar qof ayaa ku dhimatay, sagaal kalena way ku dhaawacmeen qarax baabuur oo saaka ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Khasaaraha nafeed waxaa VOA u sheegay mas’uuliyiin iyo ilo-wareedyo degaanka ah oo ku sugan magaalda.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay guri ay daganaayeen mas’uuliyiin ka kala tiran laamaha amniga ee dawlada federaalka iyo kuwo heer gobol.

Weerarkan waxaa markiiba mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Baardheere Maxamed Wali Yuusuf Qorrax oo ay VOA qadka telefoonka kula xiriirtay ayaa sheegay in dib ay ka faahfaahin doonaan sida ay wax u dhaceen.

Qaraxa ka sokow ayaa dadka degaanku ay VOA u sheegeen in hoobiye la aamisan yahay inay soo rideen maleeshiyaadka Al-Shabaab uu ku dhacay xaafad ka mid ah kuwa Baardheere, ayna ka dhalatay waxyeello soo gaartay rayid.