Qarax ay aasayeen Al shabaab oo kula Qarxay inta u dhexeysa Degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar

Jowhar – (warsoor) – Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre makaraan oo ka mid ahaa Mas,uuliyiintii goobta gaaray ayaa sheegay in Shacabka looga Baahan yahay in ay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amniga si looga hortago Falalka Shacabka ay ku Dhameynayaan Shabaab.

” Waa Musiibo Weyn Dhagar Qabayaashi xalay waxa ay isku dayeen in ay Shacabka Dhagraan Ilaahay ayaana dib ugu celiyay iyaga waad u jeeddaan fogaanta uu qotay Bamkaan Wali waa soconayaa Howlgalka lagula Dagaallamayo illaa inta laga ciribtirayo Cadowgaan” Ayuu yidhi  Guddoomiye Axmed Meyre Makaraan.

Taliyaha Ciidamada AMMISO ee Qeybta Shanaad Korneel Anised ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Ciidamada Qalabka sida oo ay gacan weyn ku siin Doonaan la dagaallanka Maleeshiyaadka Alshabaab.

” Waxaan Halkaan U imaannay In aan Ogaanno Qasaaraha Gaaray Shabaab Annaga, Ciidamada Dowladda  iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Wadadaan Bamku  kula qarxay Shabaab waxaa inta badan mara Ciidamada Dowladda Iyo Dadka Shacabka ah, markasta waxaan u tagannahay in aanu la dagaallanno kooxdaas Argagixisada ah”  Ayuu ydhi Taliyaha qaybta Shanaan ee Ciidanka AMSIOM.

Halka uu Kula Qarxay walxahaas qarxa kooxda Alshabaab ayaa ah waddo isku xirta Deegaanno kala Hoos Taga Degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar  Gaar ahaan inta u Dhexeysa Tuulooyinka War Ciise iyo Biyo Cadde halkaas oo ay uga Geeriyoodeen tiro ku dhow 20 Argagixiso oo ka mid ahaa dadkii Maleegayay falkaan.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.