Qaar Ka Mid Ah Murashaxiinta Xildhibbaanimo ee u Tartamaya Doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland oo Ka Digey Dib u Dhac Ku Yimaada Qabsoomidda Doorashadaas

“Mudane Madaxweyne Waxa Aanu Ka Soo Horjeed naa Wax Kasta oo Hakad Gelinaya ama Dib u Dhigaya Doorashada Madaxtooyada iyo Wakiiladda”. Murashaxiinta u Tartamaya Xildhibbaanimada Doorashada Baarlamaanka

Hargeysa – (warsoor) – Qaar ka mid ah Murashaxiinta u tartamaaya doorashooyinka xildhibbaanimo ee aqalka golaha Wakiilada oo ka soo kala jeeda dhammaanba goballada Somaliland sida oo kalena ka kala sharaxan saddexda xisbi qaran ee dalka, ayaa si adag uga hadlay mawqifkooda ku aadan warar sheegaya in la kala saarayo qabashada doorashooyinka isku sidkan ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, waxaana ay si adag uga digeen in dib u dhac uu ku yimaado qabashada doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland, iyaga oo tilmaamay in la gaadhay xilligii la kala diri lahaa Baarlamaanka hada fadhiya isla mar ahaantaana aanay istaahilin in xil korodhsiimo loogu sii daro muddadii ay hore u hayeen xilka golahaasi.

IMG_0066

Murashaxiintan xildhibbaanimo ee golaha Wakiilada Somaliland oo ka koobnaa 37 Mudane, ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay maanta iskugu yimaadeen magaalada Hargeysa, waxaana ay warbaahinta u sheegeen in ay baaq u dirayaan madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed M.Maxamuud (Siilaanyo), daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka Somaliland, saddexda xisbi qaran iyo labada gole Baarlamaan ee dalka, iyaga oo farta ku fiiqay in wakhti xaadirkan aanay jirin sabab dib looggu dhiggo doorashada Baarlamaanka Somaliland isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin gelidda Doorashadaasi, muddooyinkii u dambeeyey na ay si aada ugu soo shaqeeyeen siddii ay shacabka Somaliland isu diiwaan-gelin lahaayeen.

Shirkan jaraa’id ee ay qabteen xildhibbaanadu, ayaa waxa ay ugu horreyn halkaas ka akhriyeen War-Murtiyeed ay ka si wada-jir ah uga soo saareen arrintaasi, waxaana war-murtiyeedkan oo uu akhriyey Xildhibbaan Xasan Keyse uu u dhignaa sida tan:

Ujeedo: Qabsoomida doorashadda Madaxtooyadda iyo Wakiiladda

Mudane Madaxweyne waxaanu nahay muwaadiniin Somaaliland ah oo xaq u leh in la doorto waxna doortaan.

  • Markaanu aragnay Go’aanka Golaha Guurtida JSL ee lambarkiisu yahay GG/JSL/Go’aanka lambar 04/05/2015, kuna taariikhaaysan 11/04/2015, ahna Go’aanka Muddo Kordhiinta Xilka Madaxweynaha, madaxweyne Ku-xigeenka iyo Goleyaasha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida);
  • Markaanu aragnay Qaraarka fasiraadda ah ee Maxkaadda Dastuuriga jamhuuriyadda Somaliland ee ay summadiisu tahay MS/DD/22/2015 Kuna taariikhaysan 18/08/2015; taas oo goaamisey doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiiladu dalka ka dhacdo 28 March 2017.
  • Markaanu aragnay digreetada madaxweynaha JSL ku dhaqan-geliyey Wakhtiga ay qabsoomayaan Doorashooyinku, sumaddeduna tahay JSL/M/XERM/249-3569/092015, Kuna cadeeye in doorashooyinku qabsoomaan 28/03/2017.
  • Markaanu aragnay Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadiisu tahay GDQ/XK/444/2015 ee ku taariikhaysan 08/09/2015, Ujeeddadiisuna tahay cayimaadda wakhtiga Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ee 28/03/2017.

Hadaba intaa kadiba waxaanu isu diyaarinay in aanu isu taagno musharaxnimada  golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland taas oo annu si buuxda uga hawlgalnay diiwaangelintii codbixiyayaasha ee ka qabsoontey goboladii laga hirgaliyey diyaarna aanu u nahay goboladda hadhay. Sidaa daraadeed waxaanu maqlaynaa in la wadwado in la kala reebo doorashooyinka  madaxtooyada iyo golaha wakiilada

Mudane Madaxweyne waxaanu aaminsanahay inaad diyaar utahay inay qabsoomaan doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiiladu wakhtigii aad tickreetada ku cayintey ee 28/03/2017.

Mudane Madaxweyne waxaanu ku xasuusinaynaa in wakiilada hada fadhiyaa  5 sano kaa horeeyeen hadana ay marayaan 12 sano doonayaana weli in loo sii kordhiyo muddo kale.

Sidaadaradeed inaaney xaq ahayn Dastuurkana waafaqsanayn  in Muddo danbe loo kordiyo. Waxaanu Ka soo horjeednaa wax kasta oo hakad galinaya ama dib udhigaya doorashada madaxtooyada iyo Wakiiladda mudane madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa in aad  go’aan madaxwayne qaadato Doorashaduna  ku qabsoonto wakhtigii aad cayintay.

Intaa ka dib, waxa iyaguna halkaas ka hadlay qaar ka mid ah xildhibbaanadii madashaasi fadhiyey oo ay ka mid ahaayeen Xildhibbaan Maxamuud Xasan Xaashi, Xildhibbaan Afgaab Guuleed Jaamac, Xildhibbaan Aadan Jaamac Cabdillaahi, Xildhibbaan Axmed Faarax Gurey iyo xildhibbaan, iyaga oo dhammaantoodba madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ku boggaadiyey go’aanka uu ka qaatay in aanay wax dib u dhac ahi ku imanin doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland, waxaana ay ka codsadeen in uu hirgeliyo go’aankiisaas siddii madaxweynahii ka horreeyey ee Daahir Ra’yaale uu uga go’aan qaatay qabashada doorashadii Baarlamaanka ee 2005 tii ka qabsoontay dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.