“Qaanuunku wuxuu waajibinayaa in ururradii la furo” Buuni

Hargeysa – (WARSOOR) – Afhayeenka xisbiga KULMIYE Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa markale xoojiyay ka go’naashaha xisbigiisa ee ku aadan in urrada siyaasada la furo kahor doorashada madaxtooyada Somaliland.

Buuni ayaa sheegay in doorashooyinka Somaliland uu xeer jidaynayo sida ay u qabsoomayaan waxaanu yidhi.”Waxan rabaa in aan shacabka u sheego in dalkan Jamhuuriyadda Somaliland doorashooyinkiisu ku qabsoomaan waajib sharci, markasta oo ay yimaadaana hay’addaha awooda u leh mid kastaaba uu guto waajibkisa”.

Waxa uu sheegay in saddexda xisbi ee hadda jira uu wakhtigoodii sii dhamaanayo, isla markaana loo baahan yahay in wakhtigan la furo ururradii siyaasada si loo helo saddex xisbi oo cusub.

Waxaanu yidhi”Imika waxa taagan, muddo xileedkii saddexda xisbi qaran oo ahayd 10 sanno, waxaana uu qaanuunku waajibinayaa in ururradii la furo, si saddex xisbi qaran oo shahaado xisbi haystaa ay 10 ka sanno ee soo socda ay usoo baxaan”

Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland, ayaa iskaga soo horjeeda xilliga la qabanayo doorashada ururrada.