Puntland oo goordhow faah faahineysa dagaalka Boosaaso

PUNTLAND – (WARSOOR) – Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland una xilsaaran xaaladaha ka taagan Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay kulan ku leeyihiin Xarun u dhow Taliska Agaasimaha Magacaaban ee PSF ee Magaalada Boosaaso, kaas oo ay kaga hadlayaan dagaalka.

Warbaahinta ka howlgasha degaannada Puntland ayaa loo yeeray, waxaana la filayaa in Wasiirada ay faah faahin ka bixiyaan dagaalka Ciidamada Puntland kula jiraan kuwa PSF oo iyana ka tirsan kuwa Ammaanka Puntland.

Magaalada Boosaaso waxaa weli laga maqlayaa rasaas goos goos ah, iyada oo Goobaha Caafimaad ee kuyaalla Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la geeyay dhaawacyo isugu jira Shacab iyo askar.

XIGASHO:

Radio lugo badan