Puntland oo Gacan ka Siisay Somaliland Qabashadda Gacan Ku Dhiigle

Ceerigaabo – (warsoor) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa maamulka Somaliland gacan ka siiyey qabashadda nin gacan ku dhiigle ah oo nin kale oo ay wadda shaqaynayeen ku dilay deegaanka Sool-geriyo.

Dilkan ayaa dhacay muddo hadda laga joogo muddo shan maalmood ah. Gacan ku dhiiglaha ayaa baxsaday markii uu dilka gaystay waxaana si wadda jir u raad-guray ciidamada Somaliland iyo masuuliyiin is xilqaantay oo ay isku hayb yihiin ninka gacan ku dhiiglaha ah. Ninkan gacan ku dhiiglaha ah ayaa lagu soo qabtay xadka u dhexeeya Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland, iyadoo qabashadda gacan ku dhiiglaha ay gacan ka siisay maamulka Puntland.

wasiir_ku-xigeenka_amniga

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Maxamud Warsame Jaamac iyo Wasiiru Dawlaha Xanaanadda Xoolaha  oo ka mid ah weftigii xukuumadda Somaliland ee hawshan gacanta ku hayey ayaa uga mahadnaqay maamul goboleedka Puntland, ciidamada Somaliland iyo beesha uu gacan ku dhiigluhu ka dhashay ee gacanta ka gaystay qabashadda gacan ku dhiiglaha.

Dilkan ayaa ka dhashay ka dib markii ay is-maandhaafeen dhex maray gacan ku dhiiglaha iyo marxuun oo ka wadda shaqaysanaayey ka ganacsiga dhuxusha.

Dilkan ayaan waxa xidhiidh ah la lahayn, dagaaladdii dhawaan ku dhexmaray beelaha walaalaha ee wadda degga gobol Sanaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.