Puntland iyo QM oo ka wada hadlay Abaaraha iyo doorashooyinka

Garoowe – (warsoor) – Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali ayaa Maanta Xafiiskiisa Garoowe ku qaabbilay wafdi uu hor kacayo madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey UNSOM ee Puntland, Aaward Bell.

Mr. Aaward Bell iyo weftigiisa ayaa Madaxweynaha Puntland waxay kala hadleen arrimo la xiriira doorashooyinka, abaaraha ka jira Puntland iyo xaaladaha guud ee Soomaaliya.

Weftigan ka socday Xafiiska UNSOM, ayaa waxay Puntland ku bogaadiyeen hannaanka geeddi socodka doorashooyinka heer federaal iyo sida habsamida leh ee ay ku socdaan.

Waxayna sidoo kale sheegeen in Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobey si dhow ula socdaan dedaallada dheeriga ah ee Puntland ku bixisay sidii ay u hir geli lahayd hannaanka Dimuqraaddiyada Soomaaliya.

xx

Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa uga mahad celiyey madaxa Xafiiska UNSOM Puntland, Mr. Aaward Bell, ka warhaynta iyo la socodka doorashooyinka ka socda Puntland, isagoo ugu war bixiyay sida ay imminka wax u socdaan.

Wuxuu sidoo kale ugu warramay xaaladda Abaareed ee ka taagan degaanno ka mid ah Puntland, isagoo sheegay in loo baahan yahay  gurmad deg deg ah oo loo fidiyo Dadka ay dhibaatadu saameeysay.

Cabdiwali Gaas ayaa ugu dambayn ka codsaday Beesha Caalamkana iyo samfalayaashuba inay door Libaax ka qaataan taakulaynta Dadka ay Abaaruhu halakeeyeen.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.