Prof. Axmed Ismaaciil Oo Maanta Si Rasmi ah Ugu Biiray Xisbiga KULMIYE iyo Xaflad Balaadhan Oo Lagu Soo Dhaweeyey

Boorama – (warsoor) – Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa madal la ilyartu is-qabatay ugu fooladeeyey aqoonyahanka ah caanka ah ee Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo si rasmi ah ugu biiray xisbiga maanta.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka cusub ee SAW ee magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, kana qaybgaleen hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo ay ku jiraan Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu mar kale jagadaasi ugu tartami doona xisbiga doorashada soo socoda, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, siyaasiga caanka ah ee horena u soo ahaan jiray Wasiirka Maaliyadda Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda xisbal-xaakimka ee hadda, madaxdhaqameed fara badan, siyaasiyiin iyo boqolaal dadweyne ah, ayaa lagu soo dhaweeyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isna halkaasi ka shaaciyey inuu mid noqday xisbiga KULMIYE oo uu xusay inay qancisay siyaasaddiisa iyo hoggaaminta madaxdiisuba.

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxwweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo dareen farxad iyo dhoollacadayn badan ah ku qaabilay ku biiritaanka aqoonyahan Samatar ee xisbigiisa, isagoo ku macneeyey inuu xisbigu hantiyey halyey la hubo inuu wax badan ku soo kordhin doono.

DSC_8354“Xafladdani waa guul Somaliland u soo hoyatay, waa guul u soo hoyatay Gobolka Awdal oo maanta mar kale qoray taariikhda ay ku leeyihiin Somaliland horumarkeeda iyo dhismaheeda, waxay farxad gaar ah u tahay xisbiga KULMIYE oo maanta ku guulaystay wixii ay xisbiyadu u tartameen oo nin waliba isku dayey inuu iska iibiyo oo uu qanciyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo caalamka oo dhan aad codkiisa ka dhegaysataan. Haddaanu KULMIYE nahay waxa noo farxad ah ugu yaraan inaanu ka gudubnay ugu yaraan imtixaankii uu Professar-ku naga qaaday,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Murrashaxa Muuse Biixi waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey heshiiska ay wada galeen Prof. Samatar ee uu kaga midka noqday xisbiga KULMIYE, waxaannu yidhi, “Dadku waxay isweydiinayaan tolow Axmed Ismaaciil Samatar waatan looga dabbaaldegayo KULMIYE ee maxay ku heshiiyeen. Waxaannu ku heshiinay kow Prof. Axmed Ismaaciil Samatar inuu cimrigiisa inta ka hadhay uu dantiisa gaarka ah tuuro oo uu u tafo-xayto oo danta qaranka ka shaqeeyo, taasna waanu ka guddoonay. Waxaannu sidoo kale ku heshiinay haddii aannu KULMIYE nahay waxaannu kula heshiinay in magacayayaga halka ugu horraysaa ay tahay xisbiga midnimada Somaliland oo uu KULMIYE u taagan yahay in Somaliland gees ilaa ka gees ay ummaddu noqoto mid qudha ah, sharcigu sarreeyo, xuquuq siman leh oo wax wada leh. Waxaannu ku heshiinay in Somaliland nabadda ay haysato iyo horumarka ay dhisato ee caalamku iska indho-tirayo ee marka laga soo qaado Turkiga oo kale oo ilaa haatan dhisaya midnimo aanaan garanayn meel uu ku wado oo dhimatay lixdankii inaannu u wada gurmano.

Sidoo kale waxaannu ku heshiinay in qarankeena laga saaro musuqa, shaqo la’aanta iyo hayb-sooca beelaha qaarkood, waxaannu sidoo kale ku wada soconaa inaannu qarankeena ugu hawlgalno sidii uu u noqon lahaa dal dadkiisu wada leeyihiin oo wiilka Borama u dhashay uu u shaqo tagi karo Ceerigaabo oo ka ku shashay Ceerigaabo uu degi karo Gabiley isagoo aan qaloonayn oo aynu dalkeena ka saarno qoqobka uu maanta ku jiro.”

Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyey inuu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ka mid noqon doono ruug-caddaaga xisbiga KULMIYE yeelan doono, “Haddii aynu KULMIYE nahay si kal iyo laab ah halla iila soo dhaweeyo inuu Prof. Axmed noqdo odayaasha ruug-caddaaga ah ee xisbiga KULMIYE.”

Ugu dambayntii, Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in KULMIYE iyo xukuumaddiisu ka tashan doonaan dhexdhexaadnimada dawladda Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya, “Dawladda Turkiga waxaan leeyahay ku noqonmayso dhexdhexaadin iyo mid ay doonayso inay dhexdhexaadin ku hesho waxa ay doonayso inay Xamar-na ciidan u dhisto la doonayo in aniga la iigu hanjabo oo ay horumarin ku samayso, Somaliland-na ay ka cuno-qabatayso waxa ay bixinayso, taasna dawladda Somaliland, xisbigeeda iyo umaddeeduba dib bay u eegi doontaa.”

DSC_8461Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna musharraxa jagadaasi ee mar labaad u taagan xisbiga KULMIYE doorashada soo socota Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa isna si farxadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyey aqoonyahanka oo uu ku tilmaamay mid guul ah Somaliland, si gaar ahna ugu ah isaga iyo Guddoomiye Muuse Biixi.

Md. Saylici waxa uu muujiyey kalsoonida uu ku qabo Prof. Samatar, isagoo carrabaabay in aannu isagu ahayn nin uga baqaya xilkiisa, maadaamba uu yidhi, “Siyaasiyiinta marka mid kale oo reerkooda ahi yimaado cabsi baa gasha, horta qofna qofka kale calafkiisa ma cuno, waxaanan aaminsahay inuu iga cilmi badan yahay, iga aqoon badan yahay oo uu walaalkay oo iga weyn yahay oo uu wax uun ii tari doono, waanan ku faraxsanahay inuu taladiisii ku soo darsado xisbiga KULMIYE.”

“Axmed wasiir iyo wax loo ballanqaado wuu ka weyn yahay, waxaannuse ku qancinay waar maanta calafkii annaguu na siiyee xagayaga nala eeg, waxaanuna garanay inuu walaalkayo nala joogo oo uu mus-dambeedka xisbiga noo noqdo sida Aayatulaha dalka Iran oo kale,” ayuu Prof. Samatar.

Dhinaca kale, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu ahaa shakhsiga loo goleeyey madasha KULMIYE iyo xukuumaddiisu ugu fooladaynayeen ku soo biiristiisa xisbiga, ayaa khudbad dheer oo uu halkaasi ka jeediyey kaga hadlay dareenkiisa ku aaddan soo dhawaynta loo sameeyey, ka mid noqoshadiisa KULMIYE, waxa uu ku soo kordhin karo iyo mabaadi’da uu aaminsanyahay ee Somaliland ku horumari karto.

DSC_8366“Maanta waa maalin aad iigu dheer oo aan qalbigayga ka bixi doonin, waxaanay la mid tahay oo ay agtaalaa maalintii aan dalkayga ku soo noqday ee ku soo wareegay 2013, ruuxayga iyo dhiigaygana aad iyo aad bay ugu jirtaa in sharafka caynkan oo kale ah la i siiyo,” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waxaan doonayaa inaan si weyn u caddeeyo inaan goostay talo ah inaan wax ku soo biiriyo ummaddan Somaliland horumarkeeda anigoo gelaya oo isticmaalaya xisbiga KULMIYE, in badan ayaanan dad badan talo weydiiyey oo aan la sheekaystay, laakiin waxaan mabsuud ku ahay inaan soo gaadhay talo ah anigoo kalsooni weyn qaba inaan horumarka Somaliland ka qaybgalo, anigoo xubin ka ah xisbiga KULMIYE, aniga iyo Muuse mabda’ayagu aad buu iskugu soo dhawaanay.”

Wasiirkii hore ee Maaliyadda xukuumaddii UDUB Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo isna dhawaan la filayo in xisbiga KULMIYE xaflad soo dhawayn ah u sameeyo, ayaa ku biirista Prof. Samatar ee KULMIYE ku macneeyey, “Waxa maanta xisbiga KULMIYE ku soo biiray nin culus oo miisaan leh oo kartidiisa iyo aqoontiisa leh, adduunkana xidhiidh ballaadhan ku leh, waana guul u soo hoyatay Somaliland iyo xisbiga KULMIYE-ba.”

Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane iyo Khayraadka Biyaha Md. Baashe Cali Jaamac iyo weliba Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hadallo ay ka jeediyeen madasha si wayn ugu soo dhaweeyey xisbiga Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ay tilmaamo ka bixiyeen heerkiisa aqooneed ee loo baahan yahay in laga faa’iidaysto, iyagoo sidoo kalena si xeel-dheer uga warramay taariikhda facawayn ee xisbiga KULMIYE oo uu ku mutaystay inuu noqdo xisbiga astaanta u ah midnimada iyo horumarka dalka oo ay sabab u tahay furfurnaanta siyaasaddiisa iyo aragtida fog ee hoggaamiyayaashiisa laga soo bilaabo Madaxweynaha hadda talada haya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

Sidoo kale, madaxdhaqameed isugu jiray salaadiin iyo cuqaal ay ku jireen Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Caaqil Dayib Cabdi Ciidle iyo qaar kale, ayaa iyaguna bogaadiyey tallaabada uu Prof. Samatar kaga mid noqday xisbal-xaakimka, isla markaana waxay ku macneeyeen in tani u horseedayso xisbiga inuu mar kale talada waddanka hanto.

Geesta kale, siyaasiga Maxamed Axmed Caalin (Timbaro), ayaa isna xafladdaasi ka shaaciyey inuu si rasmi ah ugu biiray xisbiga KULMIYE oo uu aqoon, talo iyo xoog wixii uu hayo ku biirinayo.

DSC_8399DSC_8366

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

DSC_8399