Pro.Qaasim Tubeec oo Ka Mid ah Hoggaanka WADDANI oo Meesha Ka Saaray in Dawladii Mareykanka iyo Ruushku ay Somaliland Ku Lahaayeen Saldhigyo Milatari

Hargeysa – (warsoor) – Pro.Qaasim Sheekh Yuusuf Tubeec oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI, ayaa si adag uga hadlay Mashruuca Saldhiga Milatari ee Xukuumadda Somaliland ay dawladda Imaaraadka ka siisey magaalada Berbera, waxaana uu ugu baaqay shacabka Somaliland in ay ka soo horjeestaan Saldhiggaas Milatari oo aanay aqbalin.

Pro.Qaasim Sheekh Yuusuf Tubeec, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu la hadlaayey warbaahinta, waxaana uu ugu horeynba uu meesha ka saarey in dawladahii Ruushka iyo Mareykanku ay Somaliland ku lahaayeen saldhigyo Milatari isaga oo kala saarey faraqa u dhaxeeya waxa loo yaqaano Beys iyo Facilities’Fududeyn’ oo uu sheegay in ay si aada iskugu qaldayaan shacabka reer Somaliland.

“Maalmahan u dambeeyey waxa aad si aada u maqleyseen Beys‘Base’, waxa aan markaa doonayaa in aan kala caddeeyo waxa ay kala yihiin Beys’Base’ iyo weli hawl-fududeyn ’Facilities’, dad baa ku sheekeynaa  in Ruushku uu halkan ku lahaa Beys ’base’, Mareykanku Beys buu ku lahaa, markaa waxa aan lee yahay midna Beys kumuu lahayn ee intu ba Facility bay ku lahaayeen dalka, Facilities ku waxa weeye in marka loo baahdo uun la isticmaalo se nasiib wanaag Mareykanku isaga oon u baahan ba waa kii inaga tagay, sida aan khubarada ciidamada na aan ka maqley dawladda Mareykan waxa ay bixin jirtay Boqol kun oo Milyan oo Lixdan waxa ay ku noqon jireen ciidamada iyo qalabka inta kale na dawladda ayaa la siin jiray halka aad halkan la lee yahay waxbaa la iibiyeyna aad maqasheen lacag ah Hal Milyan iyo Badh in ay bixiyeen reer Imaaraad, markaa waxa aan u maleynayaa malaha Ri’ bay iibinayaan e’ ma iibinayaan e’ wax kale ma iibinayaan. Arrinta kale Beysku waxa uu kaga duwan yahay Facilities ka waxa imanaaya Personal(Shakhsiyad), Milatari baa imanaya, qalab baa la dhigayaa oo meeshaasi waxa ay noqoneysaa meel Imaaraadku lee yihiin, Caradaasi ma laha Somaliland, ma geli karo Madaxweynaheenu.”.Ayuu yidhi Pro.Qaasim Tubeec.

Pro.Qaasim oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa xukuumadda Somaliland ku dhaliilay in ay hal bacaad lagu lisay ay ka dhigeyso wixii ay u soo dagaalantay SNM isla mar ahaantaana ay dooneyso in dhulka Somaliland ay u iibiso buqcad buqcad.

“Markaa haddii shicibkoow aad yeeshaan arrintaas, ogaada SNM nimankii u soo dagaalamay waxa ay u soo dagaalameen garan mayno, lafahoodii baa weli halkaas yaala, haddaad dalkii aynu ka soo dagaalanay aad dib innoogu celineysaan dee waa ayaan darro, waxa kale oo halkan loo bartay in dawladda imika joogta sida badan wax alla waxa ay dayato ayey boobtaa oo horta berigii u horeysay waxa ay innagu bilowday dhulka, Leydhkii baa lagu xigsiiyey, waxa ku xigey haamahii iyagu na waa ay socdeen, dekaddii baa ku xigtey iyana way socotay, Kaluunki baa ku xigey wuu socday markaa waxa aan umaleynayaa malaha inagaa shaadhadhka la inaga la bixi doonaa marka dambe e’ waxa uun innoo hadhey waa dhulka oo buqcad buqcad loo kala iibiyo.”.

Halkan ka daawo warkan oo aanu ka soo xiganay Heegan TV:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.