ODEYGA QARANKA IYO AXMED YAASIIN IYAMAA ABAAL BADNAA ?

Waxa ay ahayd xili xasaasiya oo uu Muuse Biixi u taagnaa hogaaminta qaranka oo aanu qofna ka maarmin marka Axmed Yaasiin damaca shirgudoonku galay , anagu waxa aanu aheyn xiligaasi mucaarad waxaana markii uu Cirro baneeyey kursiga shirgudoonka aanu u wadnay halyeygii geeriyooday ee Cabdiraxman Talyanle oo aan aaminsanahay in uu ku guuleystay shirgudoonka laakiin la farsameeyey.

Axmed yaasiin waxa uu isu taagay shirgudoonka Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland, halka uu Gudoomiyaha isu taagay Baashe Maxamed Faarax oo ah gudoomiyaha Golaha wakiilada ee hadda , labadaba waxa ay markaasi ka soo jeedeen xisbul xaakimka oo hogaaminta golaha na rabay xili ay doorasho adag oo Madaxwayne soo beegan tahay.

Baashe isagu hore ayuu uga mid ahaa shirgudoonka golaha wakiilada waxaana uu ahaa xubnaha ay xukuumadii siilaanyo ee labada garab kala noqotay garabkii meesha ka baxay la xulfiga ahaa, amaba ka mid ahaa isbahaysigii dimuqaradiyad doonka ee kulmiye ee ay iska soo horjeedeen garabka markii dambe gaar loogu xidhay xisbiga ee uu hogaaminayey Muuse Biixi Cabdi.

TARTANKII SHIR GUDOONKA IYO TACABKII MUUSE BIIXI

Waxa aan odhan karaa tacabkii ugu adkaa ee marka laga tago kursiga Madaxwaynaha ee uu doonayey Muuse Biixi waxa uu galiyey kursigii shirgudoonka ee uu la rabay Axmed yaasiin sheekh oo aanu habeen iyo maalin midna ka seexan , tamar dhaqaale iyo taag qofnimo waxii uu hayey ayuu galiyey waxaana ay sabab u noqotay in uu Axmed Yaasiin durduro ku soo baxo tartankii shirgudoonka.

Arinkaasi waxa uu cadho ku beeray Baashe Maxamed Faarax oo aan kursiga kan Axmed Yaasiin ka sareeyey ee uu rabay aan lagula dagaal galin tacab badana aan la galin kaliya marka laga reebo in Saleebaan Cali Koore uu ka reebay Muuse Biixi, laakiin sidii Axmed yaasiin dhaqaalaha iyo xooga loo galiyey aan loo galin Baashe.

Arinkaasi Baashe laba arinba waa la odhan karaa;

1- Muuse Biixi Gobolka Awdal oo xiligaasi u muhiim ahaa in uu cod ka helo iyo in uu sii sameysto wax uu la hortago oo uu ugu tar sheegto reer Awdal.

2- isaga oo aan Sool rajo badan ka qabin sidoo kale Baashe ka dhex arkayey xulafadii Xirsi hogaaminayey oo ay si weyn isku hayeen.

ODHAAHDA AXMED YAASIIN EE HADDA

Axmed yaasiin sheekh hada hadalkiisa waxa ka muuqata in aanu Muuse Biixi sidan ka fileyn laakiin ay dhacday in uu xisbigii kulmiye boos ka waayey , sidoo kale ay jirto in Madaxwaynaha laga xigsaday oo ay dad ku wareegsan yihiin.

Hadaladani oo u muuqda in uu jeclaa in uu kulmiye sii joogo laakiin ay dani ka dhaqaajisay , waxa kale oo uu qiray in uu Muuse Biixi abaal gashaday Axmed yaasiin, Axmed na uu abaalkii celiyey oo uu Madaxwayne Biixi kursiga saaray.

SIDEE AY WAX U JIRAAN HADDABA ?

Madaxwayne Biixi waxa uu diyaarsaday qorshe aan isaga cidi ku wehelin iyo cidii uu ku kalsoon yahay oo uu rabo in uu helo gobol walba tirada ugu badan xisbigiisa kulmiye, gobolada Galbeedka waxa uu Gudoomiye uga dhigey soo xulista xubnaha saaxiibkiisa koowaad ee Saajin oo ah Madaxwayne ku xigeenka ku lamaan Madaxwayne Biixi tartanka Madaxwaynaha ee dambe.

Sidoo kale Madaxwayne Muuse waxa uu ku jiraa in xubnaha xukuumadiisa ee uu damacu kaga jiro golaha wakiilada in uu ku garab istaago oo uu waliba kula dedaalo sidii ay u soo bixi lahaayeen , danaynta xukuumada talada haysa ee doorashooyinka soo socdaa waata Axmed yaasiin ka yeedhsiisay doorasho cadaalad ahi ha dhacdo.

Macnaha waxa u muuqda damaca xukuumada Madaxwayne Biixi ee doorashooyinka soo socda , qorshaha iyo dagaal siyaasadeedka adag ee ay dooneyso in aan kursi kaga fakan iyo dareenka isaga ku jira oo mar labaad u tartamaya xildhibaan Golaha wakiilada ah xisbi mucaarid ahna tagey.

Madaxwayne Muse Bihi Abdi oo xiligani ka kalsooni badan maalintii uu talada dibada ka joogey isla markaana diyaarsaday shax irmaanteeda wadata oo isku qoofalan ilaa doorashada Madaxwaynaha ee dambe iyo sida uu mucaaridka isaga baraad laayahay ayaa ah iyaduna kalamaan.

Bal aynu dhawrno waayaha

Mohamed Abdi Jama
Muxamed Dhimbiil