Nuxurka Kulan Dhex-maray Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo Ciyaartoyga Caanka ah ee KANU

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal ku joogay dalalka Yurub isla mar ahaantaana maalmahii u dambeeyey ku sugnaa dalka Ingiriiska, ayaa magaalada London kulan kula qaatay ciyaartoyga caanka ah ee CANU oo u dhashay dalka Neyjeeriya.

Kulankan uu guddoomiye Cirro la qaatay ciyaartoygan caanka ah, ayaa waxa ku wehelinaayey mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbigaasi, xildhibbaano iyo weli ba madaxda laamaha dalkaasi UK ee xisbiga WADDANI.

Ciyaartoyga caanka ah oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in la kulanka guddoomiye Cirro awgii uu uga soo baqoolay wadankiisa Hooyo ee Neyjeeriya si uu u la kulmi Cabdiraxmaan Cirro, waxaana uu tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay kulankan uu la qaatay isla mar ahaantaana uu aad u xiiseeyo in uu wax badan ka barto dawladda Somaliland iyo siyaabaha kala duwan ee ay u shaqeyso isaga oo farta ku fiiqay in uu muddo dheer la socday siyaasadda xisbiga WADDANI ee uu hoggaamiye Cabdiraxmaan Cirro oo uu sheegay in ay tahay siyaasad ku dhisan deganaan iyo weli ba diblomaasiyad xeel dheer oo saaxiibtinimo badan u soo jiidi karta Somaliland, waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in uu aad u jeclaysanaayo imaanshiyaha dalka iyo weli ba siddii uu wax badan u la qaban lahaa ciyaartoyda da’da yar ee ku dhaqanka dalka Somaliland.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulankaas ay wadaageen Mr.KANU oo ah baa uu yidhi ciyaartoy caan isla mar ahaantaana ciyaarahiisa si weyn loogga xiiseeyo gudaha Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in ay uga xog warameen Somaliland iyo weli ba sida oo kale maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay, waxaana ay sida oo kale ka codsadeen in uu wax badan kala qabto dhanka ciyaaraha kubadda cagta oo uu sheegay in dhallinyarta Somaliland ay baahi weyn u qabto siddii loogga caawin lahaa dhinacyada tobabarada, agabka ciyaaraha iyo weli ba sida oo kale dhisidda garoomo casri ah oo ay ku dheelaan kubadda isla mar ahaantaana ay ku soo bandhigi karaan xirfaddooda kubaddeed.

Ciyaartoyga caanka ah ee KANU oo sheegay in uu imanaayo Somaliland, ayaa ah nin caan ku ah dhinaca kubadda cagta oo si weyn loogga yaqaano caalamka oo idil, waxaana uu ka soo dheeli jiray kooxaha ugu waaweyn ee ka jira dalka Ingiriiska iyo weli ba sida oo kale kuwo kale oo ku yaala wadamada Aduunka balse waxa uu muddooyinkii dambe ku sugnaa dalkiisa Hooyo ee Neyjeeriya.

Halkan ka daawo:

https://www.youtube.com/watch?v=UFkSV5fJnI0&feature=youtu.be

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.