Netanyahu oo ‘argagixiso’ ku tilmaamay askarigii Masaariga ahaa ee dilay askarta Israa’iil

JERUSALEM —  (WARSOOR) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii ku tilmaamay dilka saddex askari oo uu geystay askari ka tirsan ilaalada xuduudka Masar inuu yahay weerar argagixiso, wuxuuna dalbaday baaritaan buuxa oo ay si wadajir ah u sameeyaan labada dal.

“Israa’iil waxay farriin cad u dirtay dowladda Masar, waxaan filaynaa in baaritaanka wadajirka ah uu noqon doono mid si buuxa u dhameystiran” ayuu Netanyahu u sheegay golihiisa wasiirada hadal uu ka jeediyay telefishinka oo ku saabsan dhacdadii Sabtidii.

“Waxaan dib u cusbooneysiin doonaa hababka iyo hawlgallada iyo sidoo kale tillaabooyinka lagu dhimayo ugu yaraan tahriibinta iyo si loo hubiyo in weerarrada argagixisada ee naxdinta leh ee noocan oo kale ah aysan mar kale u dhicin.” ayuu raaciyay.