Natiijadda Doorashadda Maraykanka oo Si Toos ah U Socota iyo Trump oo Hogaanka Haya

USA – (warsoor) – Waxaa si toosa dalka Maraykanka uga socota tirinta codbixiyayaasha, natiijaddan ayaa aad uga duwan natiijaddii la saadaalinaayey waxaanu si aan la filaynin wax weyn iska badalay wixii laga filaayey Donald Trump.

Natiijadda hadda soo baxaya waxaa ay sheegayaa inuu Donald Trump uu ku hogaaminaayo 266 halka ay Hillary Clinton marayso 218.  Labadda musharax ka ku guulaysta codadka loo yaqaano Golaha Doorashadda ee 270 ayaa noqon doono madaxweynaha.

Xisbiga Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale waxa uu hogaanka u hayaa aqalka odayaasha waxaanu ku hogaaminaayaa 51 halka dimuqraadigu leeyahay 45. Aqalka wakiiladda ee dalka Maraykanka ayaa sidoo kale wuxuu Jamhuurigu ku hogaaminaaya 233 halka uu Dimuqraadigu yahay 177.

Haddii Golaha Odoayaashu helaan uu xisbi ka helo 51 isagaa ayaa hogaanka dalka qabanaay. Halka haddi Golaha wakiiladda uu helo xisbi 218 waxaa uu hogaanka u haynayaa golahaasi.

hillary-trump

Halkan si toosa ah uga daawo natiijadda doorashadda Maraykanka:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.