Natiijada wareegga koowaad ee doorashada shirguddoonka golaha shacabka

MUQDISHU – (WARSOOR) – Waxaa soo dhamaaday wareegii koowaad ee doorashada shirguddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya oo ka socota taandhada Afisyooni, halkaas oo ay ka soo xaadireen illaa 257 xildhibaan, halka 17 xildhibaan aanay codkooda dhiibanayn sida uu sheegay guddoomiyaha KMG ee golaha shacabku.

Wareegga koowaad ee doowashada waxaa ku tartamayey illaa toddoba musharax u taagnaa jagada guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya. Wareegga labaad waxaa u gudbay afarta musharax ee ugu codka badan.

Aadan Saransoor oo helay 23 cod

Cabdullaahi Balaak oo helay 33 cod

Sheekh Aadan Madoobe oo helay 74 cod

Xasan Cabdi Nuur oo helay 98 cod.

Afartan musharax ayaa ku tartamaya wareegga labaad ee doorashada shirguddoonka golaha shacabka.

Waxaa haatan loo gudbayaa wareegga labaad, si loo kala saaro musharaxiintan u soo gudbay.

Hase ahaatee waxaa ka tanaasulay inay wareegga labaad tartamaan labada musharax ee kala ah Aadan Saransoor iyo Cabdullaahi Balaaki, kuwaas oo sheegay inay danta golaha u arkaan in la doorto Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Waxaa wareegga saddexaad oo ah kan ugu dambeeya ku tartamaya Xasan Cabdi Nuur iyo Sheekh Aadan Madoobe.