Natiijada Ciyaartii Maanta Dhex Martay Degmooyinka Axmed Dhagax Iyo 31 May

Hargeysa – (WARSOOR) – Ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka caasimadda Hargeysa ayaa galay maalintii labaad, iyadoo galabta ay iska yimaaddeen degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May.

Degmada 31 May ayaa qaybtii hore ee ciyaarta keentay goolkeedii koobaad, oo daqiqaddii 38aad uu u dhaliyay ciyaaryahan Dhago, iyadoo degmada Axmed Dhagax ee haysata koobka degmooyinka caasimadda Hargeysa uu u keenay goolka bar bar barrahaa ah ciyaaryahan Xaamud daqiiqaddii 40aad ee ciyaarta, waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay natiijo ah Gool iyo Gool.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa kooxda 31 May ay dhalisay daqiiqaddii 61aad goolkeedii labaad ee guusha, oo uu dhaliyay ciyaaryahay Axmed Yaasiin, waxaana ay ciyaartu kusoo dhammaatay 2 gool iyo gool, ay guushu ku raacday degmada 31 May ee caasimadda Hargeysa.

Kulankan ayaa ahaa kii labaad ee is araga siddeeda degmo ee caasimadda Hargeysi ay ka kooban tahay, ee koobka tartanka degmooyinka, degmada Axmed Dhagax oo haysata koobka degmooyinka ee caasimadda ayaa qaadday sannadkii 2019-kii, oo ahaa sannadkii ugu dambeeyay ee la qabtay koobka degmooyinka.