Najib Razaq oo laga mamnuucay in uu ka baxo Malaysia

Maleesiya – (warsoor) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razaq iyo xaaskiisa ayaa laga mabnuucay inuu dalka ka dhoofo, waxaana sidaasi shaaciyay laanta socdaalka ee dalkaasi.

Arrinkani ayaa imanaysa ka dib markii Najib Razaq uu sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay doonayaan inay dalxiis u aadeen dibedda.

Isbuucii la soo dhaafay ayay ahayd markii Najib Razaq iyo xisbigiisa Barisan Nasional ay la kulmeen guuldaro naxdin lahayd.

Najiib ayaa lagu eedeeyey inuu lunsaday lacag gaaraysa 700 oo milyan oo doolar, eedaasoo uu isagu diiday.

Maalintii khamiista ahayd ayaa Mahathir Maxamed waxaa loo dhaariyay inuu noqda Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Malaysia, wuxuuna noqonayaa hogaamiyaha caalamka ugu da’ weyn.

Dr Mahathir Maxamed ayaa howgabnimadii kasoo laabtay kana adkaaday saaxiibkiisii hore.

 

Xigasho: BBC SOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.