Muxuu Xisbiga Waddani u Kala Jeclaysatay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbigaas?

Muxuu Xisbiga Waddani u Kala Jeclaysatay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbigaas? Ma Jiraa Halbeeg Xisbiyadu Ku Qiimeeyaan? & Dareen wadaaga Dhacdadii Waddani ee Shalay & Muuqaaladii Kulmiye DAAWO

Sideedaba Siyaasadu malaha Saaxiib Joogto ah Balse waxay Leedahay dan Joogto ah, Waxay Siyaasi kasta Tustaa in Saaxiibkii ugu dhawaa ee uu lahaa ay ka fogayso, Waa Hab dhaqan Dunnida Caan ka ah,Waana Mid lagu arko Marar Kala Duwan Somaliland oo Weli Raad barad ku ah hannaanka Dimuquraadiyada iyo Axsaabta badan.

Xisbi kastaa waxa uu eegaa dhumucda Miisaan ee Siyaasiga uu Jago u Xulanayo Waxaanu ku Sariigaa Cugashadiisa hab qabiil amase beel isagoo ka qiyaasaya Taageerada uu ka helayo hadii uu qaato amase Sadka uga soo Kordhaya.

Marka la eego dhacdadii Shalay ka dhacday Gunaanadkii Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani & soo If baxii Cadho keentay inuu Shirkaas ka baxo Gudoomiye Ku Xigeenkii 1aad ee Xisbigaas oo u Tartamayay Jagada Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbigaas ayaa I galisay inaan dib u dhugto Saansaan taas la rafiiq ah Waa Sannado ka hor iyo Ku Sinaan 2008 iyo Magaalada Burco Taas oo ku dhacday Siyaasiga Cabdiraxmaan aw cali faarax (cabdiraxmaan tolwaa) kana qabsatay shir-weynihii Kulmiye,ee Burco loogusoo cumaamaday Madaxweynaha maanta iyo ku xigeenkiisa,Siilaanyo iyo Saylici.

Maalinkaana cidi Siilaanyo islama taagin, isla sida Cirro yeelay Shalay iyo Shirkiisii Golaha dhexe.

Waxaan filayaa inaynu adeegsan karno magacyada qabiilooyinka si aynu si aynu isu fahano,laakiin aan lagu qanacsanayn siday wax u dhaceen,u dhacayaan una dhici doonaan,oo dhacdooyinkeena ayaa sidan u dhisan oo u dheygag leh.

Maalinkaa Cabdiraxmaan Tolwaa wuxuu la hayb ahaa madaxweynihii wakhtigaa Mr.Rayaale, sidaa daraadeed waa laga tegay ,waayo waxa lays tusay tolku isku doorsan maayo tartan madaxweyne-nimo iyo mid madaxweyne ku xigeenimo, ee ha lasoo sharaxo cid ka jirrid ama laan duwan ,cidda lala tartamayo oo ahayd Rayaale iyo xertiisii.

Ciddiina waxa lagu soo helay Saylici,Shaxdiina wey shaqaysay.

Sidaa si la mida Shalay waa la saadaalin karayay in laga tago Axmed Muumin Seed,Sababtoo ah Saaxiibkiisii la tartamayay waxa uu haybta Gedo-biirsi ,laba gudboon u yihiin ama laba miisaan oo is qaadan kara ,cida la doonayo in laga horgeeyo oo ah Saylici,Halka Axmed Muumin Seed illaahay ka dhaliyay haybta Habar-cafaan.

Oo waa sida hadalka loo dhigaye la leeyahay miisaanka uu soo hoyn karo murashaxa madaxweyne ku xigeenimo ee Shalay la doortay Ambassador Maxamed Cali oo u taagan sumadda hayb ee ah Makaahiil Samaroon ,halka Saylici ka yahay Maxamed-case samaroon,taas oo la odorasayo inaanu Siyaasi Seed soo Hooyn Karin Libin Xoogan marka loo eego Ambassador Maxamed Cali.

Si kastaba ha ahaatee Wixii ka dhacay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Waa Mid aan Indhaha Bulshada ka qarsoonayn,Waxaa kale oo Muuqata in Xisbiga Kulmiye Jeclaa inuu soo Baxo Axmed Muumin Seed iyagoo is tusay in soo bixista Mudane Seed ay Guul u tahay Xisbigooda halka taas bedelkeeda ay u arkayeen Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi in Soo Bixistuusu ay Waran ku Tahay Mudane C.raxmaan Saylici Isla markaana Xisbiga Waddani ay siinayso Cudud balaadhan oo uu ka hanto Gobolka Awdal.

Geesta Kale aynu Ka Istaagno inagoon ku Fogaan Waa Isla Xisbiga Kulmiye Xiligii uu ahaa Mucaaridka & Sida Murashaxa Madaxweyne Loogu Xidhay inaan lala Tartamin

Dr. Axmed Xuseen Ciise Iyo Shirweynahii Kulmiye 2009 kii?

Bishii May sannadkii 2008-dii ayuu Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ahaa xoghayahii arrimaha dibadda ee xisbigaasi ku dhawaaqay inuu yahay sharaxanyahay jagadda musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye.

Maalintii uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa ilaa laga soo gaadhay shirweynahii xisbiga waxaa xita loo diiday inuu isticmaalo warbaahintii xisbigu lahaa inuu codkiisa ka dhiibto oo wuxuu doonayo inuu Siilaanyo ku dhaamo nidaam suuban oo Horumar dalka u horseedaya.

Bishii December 2008 dii waxaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga Kulmiye ee Hargeysa masuuliyiin iskugu jiray xogyahahii arrimaha gudaha oo wakhtiga ahaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Xoghayahii Maaliyadda C.kariin Xinif iyo rag kale, waxaana warfidiyeenadda ay u sheegeen, inaanu Axmed Xuseen Ciise musharax ahayn “Axmed musharax maaha, wakhtigiisu luminaya, anaga waxaa noo sharaxan oo aanu dooranayna Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu u sheegay warbahinta Mudane Muuse Biixi Cabdi oo waaga ahaa xoghayaha arrimaha gudahu, hadda lama gaadhin xilligii shirweynaha eh garo.

Maalintii la soo gaadhay shirweynahii xisbiga Kulmiye ee Hargeysa ka dhacay, Axmed Xuseen Ciise, isagoo wata kaadhkiisa ayuu damcay inuu goobtii shirku ka dhacaayay soo gallo, waa loo diiday, hadda garo waa Musharax, xoghayahii arrimaha dibadda, xubin guddida fullinta ah iyo golaha dhexe ka tirsan.
Axmed Siilaanyo oo weriyaha laanta afka soomaaliga idaacadda BBC-da ee Hargeysa Axmed Siciid Cige weraystay waaga, isla markaana weydiiyay sababta loogu diiday Dr. Axmed Xuseen Ciise inuu xarunta xisbiga soo gallo ayaa si fudud oo aanu isba dhibin wuxuu ugu jawaabay “dee Axmed Xuseen kama mid ahayn raggii xisbiga ila aas aasay”.

Axmed Xuseen wuxuu xarunta horteedii soo gaadhay maalintii la dooranaayay musharaxa xisbiga, wuxuuna ka sheegay inuu ka noqonayo musharaxnimada, isla markaana xubinimada xisbiga iska casilayo ee la siiyo fursad uu taasi ku sharaxo, Taasina May Suurto Galin.

Mar Kel 18 April 2012 Kii Shirweynahii Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax

Guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee xisbiga Kulmiye mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax ayaa dhaliil usoo jeediyey hogaanka xisbiga iyo xukuumadda, waxaana usoo jeediyey in Kulmiye ka leexday barnaamijkii lagu doortay, dhawr jeer ayuu warbaahinta u mariyay dhaliisha, isagoo sheegay inuu madaxweynaha iyo hogaanka xisbigaba gaadhsiiyay dhaliisha balse la dhegaysan waayay.

Taasi waxay keentay in maalin cad, goob loo dhanyahay Cabdiraxmaan xoog iyo qori caaraddii loo isticmaalay in xisbiga dibadda looga saaro, oo weliba dhulka lala dhacay. wixii maalinta dhacay si dhaayahu u xasuusto bal hoos guji.

Weligiin miyaad aragteen xisbi hogaankiisii mid ka mid ah dhulka goob kamaradahii iyo dadkiiba joogaan lala dhaco, xita Cabdiraxmaan waxaa loo diiday in eedahii loo soo jeediyey uu iskaga difaaco ergooyinka horteeda.
Bal Ila Dhugta Sida Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye la isugu Maandhaafay Xaadirinta Ergooyinkii ka qayb galaya Iyo Wasiiro Dagaal ka Badheedhay.

Geesta Kale Waxaynu ka Wada Dheregsanahay Wixii Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ka qabsaday Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Isagoo la loolamayay Madaxweyne Ku Xigeenka haatan ee Somaliland C.raxmaan Saylici Waxaana Si Cad Ilaa Madaxweyne Siilaanyo Iyo Gudoomiye Muuse Biixi ay Taageeradoodii Siiyeen C.raxmaan Saylici iyadoo dad badani aaminsanaayeen in Baarqabka Buuhoodle uu Taageero iyo Dhiig Cusub gelin doono Xisbiga Kulmiye Gaar ahaan Gobolada uu ka soo Jeedo ee Sool iyo Buuhoodle.

Debciga Is Muquunintu Waa Mid ka Dhex Jira Xisbiyada Somaliland Waxaana Markasta inta awooda haysaa ku Salaysaa Heerka Taageero ee ay rabaan Iyagoo taas badalkeeda u Quusgooya Siyaasiyiin Tacab badan soo Geliyey Xisbigooda,Kumana Koobna Waddani Iyo Kulmiye Laakiin Maalinba Geedigu waa Halkii Cod iyo Taageero Miisaan leh lagu Tuhmayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.