Muwaadin Soomaali ah & Gabar u Shaqeyneysay oo lagu dilay Koonfur Afrika

SOUTH AFRICA – (WARSOOR) – Waxaa xalay Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ay gudaha dallaas ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo Ganacsi ahaan u tegay dalkaas iyo Gabar Koonfur Afrikan ah oo u Shaqeyneysay.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobay Axmed iyo Haweeneyda ayaa waxaa lagu dilay Deegaan lagu magacaabo Ga-Mawa Block 7 oo 57,2 km u jira Magaalada Tzaneen oo ku taalla Gobalka Limpopo ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Xilliga la dilayay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku sugnaa dukaankiisa, waxaana weerarka si dirqi ah uga badbaaday Dhalinyaro Soomaali ah oo la joogay, iyada oo ay baxsadeen ragga Burcadda ah ee weerarka geystay, kuwaas oo dukaanka ka dhacay Agab iyo lacag farabadan.

Axmed Cusmaan oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah ay goobta dilka ka dhacay yimaadeen, kuwaas oo sameeyay baaritaano kale duwan balse aysan ku guuleysan inay qabtaan kooxdii dilka geeysatay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca dilalka loo geeysanayo Soomaalida, iyada oo ilaa iyo hadda aysan jirin tallaabo looga hortagayo dilalkaas oo ay qaadeen dowlwdaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.