Muwaadin Si Murugo Leh Uga Sheekeeyey Jidh Dil Iyo Tacadiyo 1989-Kii Dawladii Siyaad Barre Xabsi Ugu Gaysatay

Muwaadin Si Murugo Leh Uga  Sheekeeyey Jidh Dil Iyo Tacadiyo 1989-Kii Dawladii Siyaad Barre Xabsi Ugu Gaysatay, Tahriib, Firxadkii Isaga Iyo Qoyskiisa Dalka Australia Ku Galeen + Sida Uu  Ku Noqday Xildhibaan  Golaha Wakiilada

“Waxaan Wakhti Wakhtiyadda Ka Mida Ahaan Jiray Qaxoonti Dalka Australian Ku Nool, Balse Hada Waxaan Ahay Mudane Golaha Wakiilada Ee Baarlamaanka Somaliland Ka Tirsan” Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal

Ibraahim Axmed Raygal waa muwaadin reer Somaliland ah, waxa uu Xildhibaan Deegaanadd Bariga laga soo doorto ka yahay wakhtigan golaha Wakiiladda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu ku abtirsadaa Xisbul Xaakimka Kulmiye oo uu doorashadii 2005-tii kaga qaybgalay, balse Raygal waa nin haysta Kaadhka Qaxoontinimadda ee dalka Australia oo ay isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban 8 qof oo haweenayda uu u dhaxday ee iyo 7 Caruur oo ay dhaleen kala ah degan yihiin. Waxaanu ka sheekeeyey Jidh dil iyo Tacadiyo uu sannadihii dhawr iyo Siddeetamaadkii dawladdii SIyaad Barre oo ee Somalia Xabsi uu galay ugu geysatay, Tahriib uu Qurbaha ku galay iyo qaabkii uu uga mid noqday Baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal  oo Waraysi ay la yeelatay Jariiradda The Sydney Morning Herald ee Dalka Australia ka soo baxda uu Wargeyska SAXANSAXO ka soo xigtay, ayaa waxa uu ka xog-waramay in uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah balse isaga iyo qoyskiisu haystaan Deganaasho Qaxoontinimo oo ay ka heleen dalka Australia, ka dib markii sida uu sheegay uu dalkaasi ku galay  Firxad  uu kaga cararay Jidh dil iyo Tacadiyo dawladdii Somalia ee Maxamed Siyaad Barre hogaamiyaha ay ugu geysatay  sannadkii 1989-kii oo uu Xabsi ku jiray, balse markii uu ka badbaaday Jeelkaasi isaga oo goob joog u u ahaa shacab badan oo reer Somaliland ah oo Xasuuq wadareedyo loo geysanaayo in uu Australia galay halkaasina qoyskiisii uu degenaasho Qaxoontinimo uga helay isla markaana uu sannadii 2004-kii dalkiisii ku soo noqday kana mid noqday golaha Wakiiladda Somaliland doorashadii 2005-tii, waxaanu dawladda Australia ka codsaday inay aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland.

Ibraahim Axmed Raygal oo ugu horeyn carabka ku dhuftay shaqsiga uu ahaan jiray ka hor intii aanu Baarlamaanka Somaliland ku soo biirin waxaanu yidhi “Waxaan wakhti wakhtiyadda ka mida ahaan Jiray Qaxoonti dalka Australian ku nool, balse hada waxaan ahay Mudane golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Somaliland ka tirsan, waana mid aad aan ugu faraxsanahay in aad dalkaygii hooyo ee Somaliland dib ugu soo laabto”

Md Raygal waxa uu si Qiiro leh uga sheekeeyey Garaacis iyo Jidh dil xad dhaaf oo si arxan daro ah ay dawladdii kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre Xabsi loogu geystay dabayaaqadii sannadii 1989,kii wakhtigaasi oo uu sheegay in dad tiro badan oo reer Somaliland oo uu isagu ka badbaaday Xasuuq ba’an iyo Jidh dil loo gaystay “Waa laygaraacay waana lay jidh dilay si aad u xun, nasiib ayaan lahaa oo waan ka badbaaday, maxa yeelay waxa Xasuuq bahalnimo ah loo geystay Kumanaan shacab Rayid oo reer Somaliland ah, kuwaasi oo Xabaal wadareedo lagu xabaalay”

Xildhibaan Raygal oo hadalkiisa sii wata waxa uu Wargeyska The Sydney Morning Herald u sheegay in markii uu sannadii 1990-kii ka badbaaday Xabsigii Dawladdii Siyaad Barre ku riday ee Jidh dilka loogu geystay in intii uu Xidhnaa ay qoyskiisa oo 7-ba Caruurta iyo Haweenaydii uu qabay Qaxoonti noqdeen isla markaana aanu Indho saarin mudo 5 Sanno ka badan oo uu ku gudo jiray Tahriib uu Qaaradda Aasiga ugu cararay isaga oo dalka Thialand tahriib ku galay bal in uu magangalyo siyaasaddeed ka heli karo isla markaana uu uga sii gudbay gobolka Villawood ee dalka Australia oo mudo bilo ah oo uu halka ku xidhnaa ka dib la siiyey aqoonsi Qaxoontinimo oo uu dalkaasi ka helay.

Raygal waxa uu Joornaalka u sheegay in mudo markii uu Qaxoontimo ku degana kaligii dalka Australia in uu Hay’adda The Red Cross ka codsi u dirtay si ay gacan iyo caawini uga siiso inay 7-ba Caruura oo uu dhalay iyo Xaaskiisii dalkiisii Somaliland uga soo qaado mudo dheer oo la la raadiyey Qoyskiisiina in ugu dambeyn iyaga oo Xero Qaxoonti  ku yaala  dalka Thailand looga soo helay waxaanu ka dareen celiyey maalintii Madaarka Magaaladda Sydney ee dalka Australia  ay ka soo degeen Qoyskiisu sida uu ugu farxay isaga oo ka hadlaayey waxa uu yidhi “Way ku yartay eray kasta oo  aan ku qiyaasi karo farxada aan dareemay maalintaasi Qoyskayga aanu ku midawnay Madaarka Australia, waxaan odhan karaa maalintaasi waxaan ku dhawaaday in aan farxad u dhinto”

Ibraahim Axmed Raygal waxa uu mar uu ka hadlaayey shaqooyinkii uu ka qaban jiray dalka Australia inay ka mid ahayd Macalinimo, Turjumaanimo iyo xata dhinaca amni oo meelo uu Gaardiyaan ka ahaan jiray isla markaana uu dhinac waday in uu Xubin firfircoon ka ahaan jiray Jaaliyadda Somaliland ee Australia ku dhaqan oo uu ka tirsanaa.

Muwaadin Ibraahim Axmed Raygal wakhtigee ayuu hadaba dib ugu soo noqday dalkiisii hooye ee Somaliland ?

Ibraahim oo hadalkiisa sii wata waxa uu The Sydney Morning u sheegay in sannadii 2004-tii ay u suurto gashay in uu dalkiisii hooyo ee Somaliland dib ugu soo noqdo kana soo laabto dalkii ay isaga iyo Qoyskiisu egenaashaha Qaxoontinimo ka heleen ee Australia, ka dib sida uu sheegay markii qaar badan oo Asxaabtiisa iyo qoyskiisa ka midi u soo jeediyeen in uu dalka u yimaado si uu Xildhibaan uga noqdo golaha wakiilada ee Somaliland waxaanu yidhi “Markii hore waan ka diiday codsiga sababto ah maan dooneyn in aanu kala fogaano aniga iyo qoyskaygii aan Australia ku wada nooleyn” ayuu yidhi balse waxa inta raaciyey in hadana Haweenayda Xaaskiisa ee lagu magacaabo Aamina dhinaceeda laga soo maray isla markaana laga dalbaday inay isaga ku qanciso in uu dalka u yimaado si uu golaha Baarlamaanka ka noqdo isla markaana ay iyadiina ka codsatay in uu go’aanka adag qaato oo dalkii dib ugu noqdo waxaanu yidhi “ Waxay igu tidhi Xaaskaygu kalifin in aan ka xumaado ee dalkii dib ugu noqo”

Ibraahim Axmed Raygal waxa uu sidaasi ku noqday mudane laga soo doorto deegaankii uu ku barbaaray ee Bariga Somaliland doorashaddii golaha Wakiiladda ee sannaddii 2005-tii dalka ka qabsoontay isaga oo Xisbul Xaakimka taladda Somaliland Haye ee Kulmiye oo wakhtigaasi Mucaarid ah ka soo baxay, waxaanu sheegay in uu yahay shaqsi u dhexeeya labada dal ee Somaliland oo uu asal ahaan u dhashay iyo Australia oo uu degenaasho isaga iyo qoyskiisu ka haystaan isla markaana wakhtiga uu Fasaxa ku jiro Baarlamaanka Somaliland in uu Australia qoyskiisa Fasaxaasi ku tago oo sannadkii uu 8 Biloodna Dalkiisa Somaliland joogo 4-ta bilood ee kalena qoyskiisa uu Australia la soo noolaado waxana uu yidhi “Waa sida kaliya ee aan dalkayga Somaliland wax ku tari karo, waxaan ku sheegayaa inay Isguulo badan iyo adeegyo kale ka hirgeleen deegaankii layga soo doortay sababto ah Baarlamaanka ayaan uga dooda”

Xildhibaan Raygal waxa uu sido kale ka hadlay Abaaraha naf iyo maalba lagu leedahay deegaanadda  Somaliland isla markaana sida ba’an  bulsho ahaan iyo deegaan ahaanba riiqda xun ugu yeeshay waxaanu yidhi “Qaar badan oo ka mida dadka Abaaruhu ku habsadeen waxay haystaan ma jirto waxaana uga sii daran deegaankii oo si xun ay Abaartu u dhaawacday”

Ugu dambeyn Md Ibraahim Axmed Raygal waxa uu dalkiisa 2aad ee Australia ka codsay inay waddanka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsato isla markaana taageero xoogan siiso waxaanu yidhi “Waxaan filayaa inay tahay inay dawladda Australia umaddayda u sameyso caawimooyin dheeri ah, codsigayguna wuxu yahay inay maalin uun Somaliland aqoonsadaan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.