Muwaadin Reer Somaliland ah oo Si Toos Amiirka Charles Ugu Yidhi “Waxaan Ka Yimid Somaliland.. oo aad Imika Dayacdeen”

London – (warsoor) – Muwaadin Reer Somaliland ah oo la kulmay amiirka leh dhaxalka boqortooyadda Sacuudiga ayaa si toos ah ugu yidhi Amiir Charles, “waxaan ka yimid Somaliland oo ah weli ba meel aad beri haysan jirteen oo aad imika dayacdeen”.

Muwaadinkan oo lagu magacaabo Maxamed Cumar waxaa uu ka mid ahaa shaqaalaha Hay’adda Prince Trust Charity, waxaanu  ka mid noqday martida gaarka ah ee lagu soo casuumay sanad-guruadda hayaddan oo ka dhacday  Qasriga boqortooyadda Ingiriiska.

Maxamed Cumar oo ka hadlay sidii uu kula kulmay Amiirka Ingiriiska ayaa yidhi, “Walal waxa aan ka qaybgalay oo laygu soo casuumay xalfad balaadhan oo ilaa 5000 oo qof oo ah dad magac ku leh UK ay kasoo qayb galeen. Xalfada waxa qabtay Prince Charles oo u qabtay sanad guurada 40aad ee kasoo wareegtay hay’ad uu iska leeyey isagu oo lagu magacaabo Prince’s Trust Charity. Hay’adan oo aan hore ugu shaqayn jiray una ahaa young ambassador ayaa waxay ka shaqaysaa sida dhalinyarada  dhibaateysan ee wadankan loo caawiyo. Kadib walal aniga iyo gabadh heesa ah oo lagu magacaabo  Pixie Lott  iyo dhowr qof oo kale oo weriyayaal ah ayaa nasiib u helnay in aan Prince ka kusoo dhoweeno  masraxa”.

PrinceCharles_Mohamed_Cumar

Maxamed Cumar oo ka waramaya sheekhadii dhexmartay Amiir Charles  ayaa yidhi, “Markii uu aniga  isoo gaadhay ee aan is gacan qaadnay ayuu igu yidhi ma waxaad ka timi Somalia? Waxan ku idhi may ee waxan ka imi somaliland oo ah weli ba meel aad beri haysan jirteen oo aad imika dayacdeen. Wuu qoslay wuxuna si kaftan ah iigu yidhi:, ‘Weli miyay  wax cadaawad ah noo hayaan’ oo uu ula jeeday gumaysigii kadib. Waxan u sheegay in hadda aanu nahay Dawlad madax-banaan  oo la soo noqotay  xoriyadoodii laakin caalamku dayacay. Waxan ka codsaday in uu hanbalyada 18 May ila wadaago aniga iyo shicibka reer somaliland wuxuna si heer sare ah iigu hambalyeeyay maalinta madax banaanideena. Isaga oo guul u rajaeeyey Somaliland.”

Maxamed Cumar ayaa ka Mid ah dhalinyarada Reer Somaliland ee ku nool qaarada Yurub gaar ahaana Ingriiska waxaanu dadaalka aan kala go’a lahayn mar walba ugu jira taas oo aad odhan karno waa guul usoo hoyatay dhaman dhalinyarada reer Somaliland iyo qarankaba in la helo  dhalinyaro wax la qaybsata bulshada ay ku dhex nool yahiin.

Maxamed_Cuamr3 mohame_Cumar1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.