Musharraxa KULMIYE oo $60,000 ugu Deeqay Dhismaha Dugsiga Sare ee SULDAAN MAXAMED

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha/Musharraxa Xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane ayaa si wadajir ah xadhigga uga jaray afar fasal oo lagu kordhiyay dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ee magaalada Hargeysa.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay xadhig-ka-jarka afar-tan fasal ayaa waxa sidoo kale lagu dhagax dhigay dhismaha xeyndaabka (deyrka) dugsiga sare ee Suldaan Maxamed, kaas oo uu kharashka ku baxaya oo dhan 60,000$ (iyo qalabaynta 4 fasal) ku deeqay Guddoomiyaha/Musharraxa Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi.

Ugu horrayn waxa munaasibaddan ka hadlay Maamulaha/Aasaasaha Dugsiga sare ee Suldaan Maxamed, ahna afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan, isaga oo ku dheeraaday maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray dugsigu iyo duruufaha uu wakhtigan ku sugan yahay.

“Hindisaha aasaaska dugsigani waxa uu bilowday afar sanno ka hor, mar buu fikir qudh ah ku koobnaa, waxa Ilaahay mahaddii ah inaynnu maanta halkan joogno innaga oo u xafladaynayna dugsi toddoba fasal ah oo aynnu afar fasal oo ka mid ah maanta xadhigga ka jaraynno”.

Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan waxa uu u mahadceliyay Ganacsade Idiris Cumar Cunaaye “Idiris Anchor” oo isagu bixiyay dhaqaalaha lagu dhisay afarta fasal ee xadhigga laga jarayay, waxaanu sheegay in deeqdiisu tahay mid taariikhi ah.

“Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo runtii ku deeqay dhismaha deyrka dugsiga oo ay ku baxayso lacag ka badan 60,000$ isla markaana maanta halkan aannu ku dhagax dhigaynno. Muuse Biixi waxa uu sidoo kale ku deeqay qalabaynta afarta fasal ee aynnu hadda xadhigga ka jaraynno oo si casri ah loo qalabayn doono” ayuu yidhi, isaga oo intaa raaciyay: “Inshaa Allaah Muuse Biixi waa Madaxweynaha Somaliland ee Siilaanyo ku xigi doona.”

Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha waxbarashada, isaga oo hoosta ka xarriiqay horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca waxbarashada.

“Idinku waxaydun joogtaan Hargeysa oo intaas oo dugsi-sare leh, oo intaas Jaamacadood leh, annaga wakhtigayagii xataa dugsi qudh ah oo Secondary ah Hargeysi ma lahayn oo magaalooyin kale ayaannu dugsiga sare ka galnay,” ayuu yidhi Md. Biixi.

“Runtii may ahayn in dhisme deyr iyo qalabayn afar fasal intaas oo dhan la iiga mahadnaqo. Wax intaa ka weyn baa nalaga filayay oo da’dayda xil weyn baa nagu baaqday. May ahayn inay maanta hay’ado ajenabi ah dugsiyada carruurteenna inoo dhisaan. Waxay ahayd inaynnu innagu dhisanno” ayuu hadalkiisa raaciyay Md. Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kale oo iyaduna munaasibaddan hadal ka jeedisay Safiirka Midawga Yurub ee Somaliland/Somalia Ambassador Veronique Lorenzo, iyada oo xustay inay ku faraxsan tahay ka-soo-qaybgalka munaasibaddan, maadaama midawga Yurub bixiyay dhaqaalihii lagu dhisay saddexdii fasal ee lagu aasaasay dugsigan, isla markaasna ay tusaale uga dhigeen dugsiyadii ay EU-du maalgalisay.

Veronique Lorenzo, waxay sheegtay inay sii wadi doonaan kaalmada Waxbarashada Somaliland, iyada oo xustay in loo baahan yahay in la kordhiyo tirada dumarka macallimiinta ka ah dugsiyada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane oo isaguna madasha ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday qiimaha waxbarashada, isaga oo is-dultaagay mudnaanta uu dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax u leeyahay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

Wasiir Habbane waxa uu xusay in ay ka go’an tahay sidii uu dugsigani u hanaqaadi lahaa, dhismaha fasalladiisuna u dhammaystirmi lahaayeen, isaga oo u mahadnaqay Ganacsade Idiris-Anchor oo uu sheegay inuu waxtar aad u qiime badan u geystay waxbarashada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Habbane waxa uu xusay inay rejaynayaan in ganacsatada kale ee dalku gacan ka geysan doonaan inta ka hadhay dhismaha dugsiga, isla markaana ay waraaqo u qoreen Ganacsade Maxamed Aw Siciid, Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, Ganacsade Khadar Ambassador iqk.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamed Muuse Abees iyo Siyaasiga Maxamed Axmed Caalin “Tiinbaro” ayaa iyaguna xafladdan ka soo jeediyay hadallo daarran qiimaha waxbarashadu u leedahay guud ahaan mujtamaca.

Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxa heeso dareen-taabad leh ka qaadday fannaanadda qaranka ee Nimco Maxamed Deggan oo ay weheliyaan Kooxaha Fanka ee Dayax Band iyo SOCSA, waxaanay madashu ku dhammaatay jewi aad u qurxoon.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.