Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Oo Xafiis Weyn U Furay Ganacsatada Waaheen Una Tilmaamay In Maayarka Hargeysa Kulmiye Ugu Ololeeyo

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa subaxnimadii Khamiista xadhiga ka jaray Xafiis ay iskood u furteen una qalabeysteen shacbi weynaha taageerayaasha u ah Xisbiga Waddani ee ka dhex-ganacsada suuqa weyn ee Waaheen oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa.

Taageerayaashan Xisbiga Waddani ee ganacsatada ahi, waxa ay cod dheer ku sheegeen in ay ka soo guureen Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana ay hormuud u yihiin sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen isbedal dhaba oo dalka ka dhaca.

Musharraxa Madaxweynaha Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in ganacsatadu dhibbane u yihiin sixir barar ay abuurtay xukumadda Kulmiye waxaanu soo dhaweeyay rabitaankooda isbedel “Suuqan weyn ee Waaheen waa suuqa ugu caansan ee ganacsi ee Somaliland leedahay. Walaalayaal waxaanu ka warqabna in ganacsigiinii aad ka soo saarayseen nolol maalmeedku khatar ku jiro. Sababtu waxa weeye intii Kulmiye yimid waxa yimid sixir barar xad-dhaaf ah oo aan hore Somaliland uga dhicin, oo taabtay nolosha qof kasta oo aad goyn kari waydeen qiimaha aad badeecadda ku iibinaysaan maanta iyo waxa ay barri noqon doonto. Dadka iibsanaya ee macmiisha idiin ahna waa ku dhib oo barri waxa uu ku iibsanayo ma yaqaano,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ganacsatada ku boorriyay in ay iska xamilaan culayska xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye maalmaha kooban ee hadhay isbedelkana fartooda ku dhaliyaan“Xukumadda Kulmiye waxay tidhi ‘Sixir bararka waanu samaynay laakiin, dawadiisii ma hayno, waxba kama qaban karno ayay tidhi sixir bararka’ wuu sii socda uun. 30 maalmood ba hadhay ee 30-ka iska adkaysta. Isbedelku idinka ayuu idinku xidhan yahay, fartiina ayuu ku xidhan yahay,”Sidaas ayuu yidhi Musharraxu.

Waxa uu intaasi raaciyay in Maayarka Hargeysa Kulmiye ugu ololeeyo cashuurta ganacsatada iyo bulshada kale laga qaado “Cabashooyinku way iska badan yihiin; Maalin walba cashuur ba la idinka qaada, cashuurta la idinka qaado Maayarku wuxuu ugu ololeeya Kulmiye. Maayarka Hargeysa waxa uu maayar ka yahay Hargeysa, saw kumaydaan arag isaga Sheekh ka ololaynaya, isaga oo Burco ka ololaynaya saw maydaan arag, isaga oo Laascaanood ka ololaynaya saw maydaan arag, muxuu ku ololaynaya? Cashuurtiinii ayuu ku ololaynaya. Cashuurta waxa loogu talo galay in qashinka la idinkaga guro, in hadh la idiinku sameeyo, in waddooyinka la idiinku hagaajiyo, insha Allaahu dawlad inta qabta ayaanu idiin keenayna, isbedelka saw ma taageersanidin, isbedelkiina Waddani ayaa wada,” Sidaas ayuu yidhi musharraxa oo la hadlayay boqolaal taageerayaasha xisbiga ah oo joogay barxadda xafiiska kuwaas oo haa kaga jawaabayay su’aalihiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.