Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Dr Maxamed Cali Oo Shacabka Ku Dhaqan Gobolada Awdal Iyo Selal Ugu Baaqay In Ay Kaadh-ka Codbixinta Qataan

Boorama – (warsoor) –  Musharax Madaxweyne ku-xigeenka Xisbi Mucaaradka WADDAN Dr Maxamed Cali Cabdi ayaa shacabka ku dhaqan gobolada Awdal iyo Selal ugu baaqay in ay qataan kaadhka codbixiyaasha oo maalinta sabtida ee fooda inagu soo haysa ay bixitoodu ka bilaabayso goboladaasi.

Dr Maxamed Cali ayaa sidaasi ku sheegay mar uu maanta war-baahinta kula haddlayey magaalada Boorama waxaanu ku bilaabay haddalkiisa sidan:-“Waxaa la isku raacay wixii Boorama laga bilaabo inuu barakaysan-yahay, diwaangelintii halkan ayaa laga bilaabay , kaadh bixintii hadaa laga daah-furay, mar haddii halkan ay diwaangelinbtii iyo kaadh bixintii ka bilaamatay,waxaan rajaynaynaa in  ay khayr ku dhammaan -doonto  oo gobolka khyr ugu dhammaan -doonto  oo faa’iido u keeni doonto oo somaliland-na faa’iido u keeni doonto”Ayuu yidhi Musharax Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga WADDANI Dr Maxamed Cali.

Musharax ku-xigeenka WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray“kolba salaadii joogta ayaa la tukadaa maanta waxay fariintu tahay oo aanu u sheegaynaa  gobolada laga bilaabay dhammaantoo gaar ahaana gobolada Awdal iyo Selal oo dadk i47-ka iyo inta saa’idka ah ee isdiwaangelisay intooda badani shan cisho ayay haystaan,halkii ay iska diiwaangeliyeen in ay ka qataan kaadhka,lahelimaayo hadhaw haddii shantaa cisho ay kaa dhammaato ama waad soo safriyoo meel dheer ayaad ka qaadan,haddii hadda kaadhka la qaadan waayo cabashoyinka uu Gobolka Awdal ka haddlaa halkii ayay taagnanayaan,markhaatigan idinka ayaa fuaraya in ay-daan xaq u lahayn cabashooyinkaa,soo noqon mayso jaaniskuye waxaan cod sanayaa oo aan idinku boorinayaa  dad weynaha ku nool gobolka Awdal iyo Selal gaar ahaan ku waaninay ku boorinayaa in aan hal kaadh la dayacin, in aan iska kaashano oo gacanta is qabsano oo la qaato kaadh-kaasi,”Ayuu yidhi Dr Maxamed Cali Aw Cabdi.

Dr Maxamed Cali  ayaa sheegay inuu dhammaan-ba busshada ugu baaqayo in ay qataan kaadhka, balse aanu la haddlayn  keliya taageerayaasha WADDANI “Dad-baa waxay yidhaah-daan inta badan maxaanu ka faa’iidaynaa, maanta maalintii la idiin sheegay wixii laga faa’iidayey mahee, beri ayaan idiin sheegidoonaaye bal horta kaadhka qaata,in aad xaqaaqa hesho baad ka faa’iidi doontaa,markaa kaadhka halaqaato  ayaanu leenahay, keliya ma lihi taageerayaasha WADDANI dhammaan dad weynaha ku nool gobolada  Awdal Iyo Selal, waayo waxaan aaminsanahay in badan oo KULMIYE  iyo UCID ahi faa’iida marka aanu u sheegno in ay is bedeli doonaan ay ku soo biiri doonaan WADDANI,”Ayuu yidhi Dr Maxamed Cali

Dhanka kalena Musharax Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga WADDANI Dr Maxamed Cali ayaa hoosta ka xariiqay inuu Xisbiga WADDANI taageero hiil iyo hooba la barbar joogi doona shucuubta ku dhaqan gobolad Awdal iyo Selal inta ay socoto kaadh qaybintu” Markaa wixii Xisbigu uu taageero iyo talaba u hayo waanu idinla garab taaganahay, inta ay socoto kaadh qaadashadu , waxaan idinku waaninayaa gobolka dad weynaha ku nool  beri toole ayaan cabasho imanin, beri toole yaan dhaliisheenu meel dheer gaadhin oon qof-ba qof xaganin, wakhti ayaa la haystaa, wakhtigu ma soo noqdo , haduu ku dhaafay wuu ku dhaafay , shantaa cisho horta xooga hala saaro  sidii qof-ba uu meeshiisa uga qaadan lahaa.”Ayuu yidhi Dr Maxamed Cali

Gunaanadkii Musharax Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga WADDANI Dr Maxamed Cali ayaa haddalkiisa ku soo afmaaray “Waxaan rajaynayaa oo aan idinku boorinayaa labadaa gobol dad weynaha ku noolaw , mar  kale iyo mar afraad-ba halaqaato kaadhka , maanta warku intaas ayuu taaganyahay,kaadhka halaqaato ha la iskugu tago, yaan beri la odhanin hadaan sidaa yeeli lahaa , cid kasta wuu saaranyahay xilku inta dowlada u joogta inta xisbiyada ujoogta inta shicibka ah cid walba wuu saaranyahay, xil gaar ah ayaa naga saaran Xisbi ahaan annagoo ku rajaweyn inuu gobolkanu yahay gobolkii aanu awooda ku lahayn oo illaahay nagu siiyey, inta kalena waan ku tala jirnaa in ay nagu soo racaan wax khayr leh ayaan wadnayaaye, aan ku dedeelno kaadhka halaqaato, yaan la dayicin fursada.

Halkan ka daawi warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=O_PNtvYze5I

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.