Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo Lagu soo Dhaweeyey Salaxley

Salaxley – (warsoor) – Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo saaka socdaal ujeedkiisu daaran yahay ka qeyb-galka xaflad soo dhaweyneed oo loo sameynaayey Xildhibbaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Salaxlay iyo taageerayaal tira badan oo ku soo biiray Xisbigaasi iyo weli ba sida oo kale xadhiga ka jaris loo sameynaayey  Xafiisyo cusub oo ay iskood u sameysteen una qalabeysteen taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee deegaanada Toon, Qool-Cadey, Salaxley iyo weli ba Baha-Dhamal.

Weftigan oo Murashax Cirro ay ku wehelinaayeen Murashax Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Xoghaye ku xigeenka Xisbigaasi Jamaal Xaamud, Afhayeenka Xisbigaasi Xildhibbaan Ibraahim Buubaa, Siyaasi Ismaaciil  Buubaa, Siyaasi Keyse Cali Geedi, Siyaasi Maxamed Baaruud, Siyaasi Fahad Koosaar, Caaqil Rashiid Jaambiir, Siyaasi Abiib Timacad, Siyaasi Ismaaciil yare, Siyaasi Abgaal, Siyaasi Faarax Geedoole iyo weli ba sida oo kale madax, siyaasiyiin, Xildhibbaano, haween, dhallinyaro iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

Xildhibbaanadii Golaha Deegaanka Degmada Salaxley ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI oo kala ahaa Xildhibbaan Mawliid Rooble Ismaaciil, Xildhibbaan Maxamuud Bedal Guuleed, Xildhibbaan Maxamed Faarax Cawad, Xildhibbaan Iid Jaamac Faarax, Xildhibbaan Mawlid Rooble, Xildhibbaan Naasir Cabdi Iimaan, Xildhibbaan Axmed Qani Cabdi Ibraahi iyo Xildhibbaan Kawsar AwCali Jaamac, ayaa dhammaantood ba sheegay in ay ku faraxsan yihiin ku soo biiritaankooda Xisbiga WADDANI iyaga oo eedo la xidhiidha horumar la’qaanta deegaanaddaasi iyo cadaalad darro tira badana dusha ka huwiyey Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE.

SIyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “ Hore waxa aan u sheegay in WADDANI uu bedali doono khariiradda siyaasaddeed ee dalka, maanta na waxa aan lee yahay Salaxley khariiradda siyaasadda ee wadanka, waxa ay majaraha u qabatay meel la iskugu iman doono oo ay noqon doonto in Xisbiga WADDANI sidaas meel walba loogga soo baxay in loogga taageerayo.”.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, Xoghayaha guud ee Xisbigaasi, Afhayeenka Xisbiga WADDANI iyo weli ba siyaasi Ismaaciil yare, Siyaasi Cabdillaahi Cirro, Siyaasi Abiib Timacad, Siyaasi Abgaal, Siyaasi Keyse Cali Geedi iyo weli ba mas’uuliyiin tira badan oo ka tirsan Xisbigaasi oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa iyagu na dhankooda sheegay in ay shacabka deegaankaas uga mahad-celinayaan siddii cajiibka lahayd ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana ay caddeeyeen in Salaxlay ay hormuud u tahay isbedal rasmi ah oo ka dhaca guud ahaan dalka.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa isna balan-qaad weyn u sameeyey dadka deegaankaasi oo uu sheegay in ay ka xisbi ahaan wax badan ka qaban doonaan baahiyaha ka jira deegaanadaasi.

“Waxa aanu soo aragnay in baahiyo badani ay ka jiraan deegaanadani, waxaana ay muujinaysaa in Toddobadii sanno ee KULMIYE joogay baa ad ku khasaarteen oo aan waxba la idiin qabanin, se waxa aan idiin balan-qaadayaa aanu ka xisbi ahaan wax badan ka qaban doono baahiyaha ka jira degmada Salaxlay iyo deegaanada kale oo dhan ba.”.Ayuu yidhi Ambassador Maxamed Xaaji Cali.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn shacabka deegaanada Salaxlay uga mahad-celiyey soo dhaweyntii ballaadhneyd ee ay u sameeyeen.

“Marka hore aad iyo aad baanu idiin ka mahad-naqeynaa sida qiimaha badan ee aad noo soo dhaweyseen, Xafladdan maanta na waxa iska lahaa xildhibbaanada degmada Salaxlay, anagu na waxa aanu u nimi in aanu kala qeyb-qaadano ku soo biiristooda ay ku soo biiraayeen Xisbiga WADDANI oo munaasibaddaas ka qeyb-galkeeda ayaanu uga nimi Hargeysa si aanu uga qeyb-galno umanaanan soconin wax olole siyaasaddeed ah. Runtii na degmo kasta na codkeedu wuxu ku yimaadaa dadka iyaga metalaaya codka Salaxleyna waxa dhammaantoo ka wakiil ah Golaha deegaanka ee Salaxlay, iyagii na waa kuwaa maanta WADDANI yimi.”.Ayuu yidhi Murashax Cirro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.