Musharax Safaari Ah (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Qoraaga reer Ingiriis ee George Orwell oo noolaa intii u dhaxaysay (1903-1950). Ayaa laga hayey” Siyaasiyiinta adduunku waa sida doofaarada kaymaha ku nool oo kale. Haddii ay u baahdaan midhaha geedka baarkiisa saaran, waxa ay burburiyaan geedka si aanu rejo dambe u yeelan. Haddii ay daayaana waxa u soo daata midhaha oo ay ka hoos gurtaan geedka”. Intooda badan beelaha Soomaalilaan iyo musharaxiinta u tartamaysa golayaasha deegaanka iyo Baarlamaan ayaa madaxa iskula jira. Musharax kastaa wuxuu xodxodosha iyo olole ugu jiraa inuu noqdan kan ay beeshu isku raacdo inuu musharax u noqdo oo iyaga oo mideysan xisbigay doonaan geeyaan. Arrimaha xiisaha badan ayaa ah in doorashooyinka ay beeluhu keenayaan musharaxiinta, halkii markii hore uu xisbigu isagu musharaxiinta keeni jiray. Musharaxiinta ayaa laba qof u wadasocda, mid baarlamaanka u tartamaya iyo mid golaha deegaanka u tartamaya. Haddaba musharaxiinta geesaha iskula jira ayaa laba nooc kala ah:

= Musharax kharashaysan: Waan kan ugu awoodda badan marka la eego beelaha dhexdooda ee kharashkiisa ku faraqaya odayaasha iyo af-miishaariinta reeraha u taliya. Af-miishaariintu waxa ay aamisan yihiin aragtiyo sumeysan oo naftooda mooyiye aanay cid kale waxba u ogoleyn. Kuwan kharashaysani laftoodu waa laba qaybood, mid ka mid ah kuwa xilka haya oo lacagtii ay ummadda ee ay hore u gurteen dib isugu soo sharraxaya iyo mid hanta iskii u haysta oo markii uu noloshiisii kale meel ku tiiriyey magac doon ah oo ay ugu dhan tahay in loogu yeedho XILDHIBAAN. Waana dhaqan uu basharku iska leeyahay markay noloshiisa caadi ahi meel ku tiirsan tahay inuu magac raadiyo.

Musharaxiinta labadaa nooc ahi waxa ay wataan musharax kale oo ay hayntiisu yartahay ama wax uu olole ku galo aan haysan, hasayeeshee magac leh ama ha noqdo masuul hore ama nin kale oo bulshad si uun caan uga ah. Ninkani wuxuu musharaxa kharashaysan la wadaagaa kharashka musharaxnimo. Tusaale ahaan haddii uu musharaxa kharashaysani u sharraxan yahay baarlamaanka wuxuu soo kaxaysanayaan mid deegaanka u sharraxan oo aan haysan kharashkii ololaha. Beelihii soo saarayey ayaa halkaasi ka soo dhexsaaray magac cusub oo ay ula baxeen musharaxan aan kharashka haysan, oo ah MUSHARAX SAFAARI AH.

= Musharax Safaari ah: waa kaa aynu xagga hore ku soo sheegnay ee aan haysan kharashkii ololaha doorashada. Wuxuu mar kasta ag-taagan yahay musharaxa kharashaysan, oo aan moodo inuu u yahay shandadii uu gacanta u qaadanayey. Maadaama oo aanu haysan lacag uu ku bixiyo ololihiisa wuxuu kula dhuuqayaa kan kharashka haysta. Wuxuu xariif ku yahay inuu kolba keeno fikrado uu ku xoojiyo ololaha musharaxnimo, maadaama oo aanu haysan kharashka wuxuu iska dhisaa dhinaca abaabulka ololaha iyo fikradaha la keenayo. Musharaxan waxa u calaamad ah in aanu keligii safar geli Karin, sidoo kale aanu keligii dadka la hadli Karin, waayo dadkani waxa ay ka doonayaan kharash aanu haynin. Mar kasta wuxuu daba-taagan yahay musharaxa kharashaysan. Hadalkana wuu ka dambeeyaa.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com