Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Kulan la Yeeshay Wefti uu Hoggaaminayo Safiir Jarmal ahi

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dowladda Jarmalka oo uu hoggaaminayo safiirka dalkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Markus Bollmohr, isla markaana uu qayb ka yahay u qaabilsanaha xafiiska siyaasadda iyo ammaanka caalamka Mr. Peter Finger.

Murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay kulanka ku wehelinayeen Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir iyo Maayarka Caasimada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxay weftiga Jarmalka ka wadahadaleen qiimaha ay Somaliland iyo caalamka ugu fadhido doorashadii Madaxtooyada ee ka qabsoomay dalka Somaliland toddobaadkii hore.

Safiirka dowladda Jarmalka Amb. Markus Bollmohr, ayaa isna tilmaamay sida ay beesha caalamku ula dhacsan tahay doorashadii ka dhacday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu sheegay inay habboon tahay inay xisbiyada Somaliland ku wadaqancaan natiijada doorashada, haddii ay cabashooyin jiraana ay xisbiyadu u maraan nidaamka sharciga ah.

Waxa kaloo Amb. Markus Bollmohr hoosta ka xariiqay in dowladdiisa Jarmalku diyaar u tahay inay Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka iyo arrimaha la halmaala.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu weftiga uga mahadceliyay wadashaqaynta dawladda Jarmalku la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.