Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Caddeeyey Dhabbada uu Doonayo Inuu ku Maamulo Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo bandhigay dariiqa hoggaaminta uu doonayo inuu ku maamulo dalka Jamhuuriyadda Somaliland haddii loo doorto xilka Madaxweynaha doorashada madaxtooyada ee u qorshaysan in la qabto bisha November 2017.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ka qaybgalay kulan ay haween-weynaha degmada Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa ay ku muujinayeen inay taageero ballaadhan u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa jagada Madaxweynaha, kaasi oo sidoo kalena ay ka qaybgaleen Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga, Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Beeraha iyo siyaasiyiin kale, waxa uu tilmaamay qorsheyaal uga meel yaal hoggaaminta dalka iyo jidka uu doonayo inay u sahlaan guulo ay Somaliland ka gaadho dhanka dalwadnimada.

Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in cid kasta oo hunguri ka hayo inay dalka hoggaamiso looga fadhiyo qorsheyaal cad oo aan mad-madow ku jirin si bulshada loo siiyo fursad cidda dantooda wadda ku doortaan, sidaasi darteedna uu isaga u yaal dariiq cad oo uu doonayo in horumar waddanku ku gaadho.

“Haddii aynu KULMIYE nahay waxa aynu caddaynaynaa qofka aynu dooranayno waxa aynu ka rabno si aynu dhibaatada ina hortaagan uga baxno, dalkuna kuma socon karo muhmal iyo marka la i doorto ayaan wax qabanaaye horta codka i siiya, qofka doonaya in la doortaana waa inuu jeexaa waddada uu doonayo inuu maro hallagu doorto ama hallagu diido’e,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu farta ku fiiqay qorshaha isaga u yaal, isaga oo sharraxay muhiimadda ay leedahay in cidda doonaysa hoggaaminta bulshada ay caddayso jidka ay u marayso maamulidda dalka, waxaannu yidhi, “Anigu waddada aan marayaa waxa aan doonayaa inay noqoto ugu horrayn inuu sharcigu marka hore shaqeeyo iyo inaynu ka hortagno qabyaaladda, waayo caaqilku reer buu masuul ka yahay, haddii uu caaqil waliba yidhaahdo madaxweyne-how dhaqaaqi maysid oo waanu kuu hanjabaynaa ta dhacda waa la yaabi doonaa sidee baynu qaran u noqonaynaa? Waa imisa caaqil iyo suldaan Somaliland? Suldaan waliba reer masuul ka yahay, salaadiinteenu maanta tiro ma leh, haddii uu suldaan waliba tv-ga la soo fadhiisto anigoo ah suldaanka reer hebel ta dhacda waa la yaabi, noqonmayno Qaran, qof waliba masuuliyadda intiisa waa inuu ku ekaadaa, qarankana waxa loo doortay goleyaal oo ay dadku codkooda siiyeen, iyagaana metela, waa golaha Baarlamaanka, Guurtida, Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, qof odhan kara qarankaan u hadlayaana waa qof lasoo doortay oo kamid ah goleyaasha, isla markaana waxaynu ogolnahay in Sheekha, Taajirka, Suldaanka iyo Caaqilka la dhegaysto taladooda, xogogaalnimadooda iyo waxay qaranka ku kordhinayaan, laakiin waa inaanay iyagu odhanin qarankii annagaa horjoogsanayna ama halka aannu doonayno la dhaafi maayo, waana dhibaatada ugu wayn ee maanta Somaliland hortaagan.”

“Waxaynu u baahannahay xeerku waa wax lagu heshiiyey in qof waliba qadarinta iyo maamuuska in buu ku leeyahay ee haddii uu intiisa dhaafo waa la is dhexyaacayaa, haddii la is dhexyaacana qaran noqonmayno oo meel gaadhimayno, markaa waxaynu qaadanaynaa haddaynu KULMIYE nahay in qaranimadu ka waynaato qolonimada, in qaranimadu qaranimadu ka waynaato qofka, in qofku ka dambeeyo qaranka oo haddii uu arrin iyo talo hayana u soo maro waddada uu u leeyahay ee dimuqraadiyadda aynu dooranay, dhaqankeenna iyo Islaamnimadeenna oo ah in la tashado, laakiin maaha qofku ha ka adkaado qaranka. Taas ayeynu kaga bixi karnaa dhibaatooyinka oo marka qaran la helo ee sharcigu shaqeeyo ayaa la samayn karaa dhaqaale,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu tilmaamay Guddoomiye Muuse Biixi in qorshihiisa ay ka mid tahay sidii uu sharciga Jamhuuriyadda Somaliland u noqon lahaa mid ummaddu wada hoostimaado oo aanay ku kala sarrayn, waxaannu yidhi, “Waxaynu aynu doonaynaa in qof kasta oo dalka jooga inuu sharcigu ka sarreeyo oo aanay noqonin in dadka qaarkii sharciga lagu qaado, qaarna aanu qabanin, waxa aynu doonaynaa inaanu dadka dhaqaalihiisu u kala bixin dabaqado sare oo maalqabeenno noqda iyo inta badan oo bakhtida, Suuq xor ah ayeynu leenahay qofkuna inuu taajir noqdo oo uu lacag shaqaysto sharciga oggol oo diinteenaa oggol, laakiin waa inuu sifo xalaal ah u shaqaystaa oo uu bixiyaa xuquuqda diiniyan iyo sharciyan loogu leeyahay.

Tabashooyinka badan ee dad badani tirsanayaan waxa aynu kaga bixi karnaa oo keliya inaga oo ilaalina qaranimada iyo sharciga oo ka hortagna musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo is xigsiinta, musuquna halkaas ayuu ka bilaabmaa, dabadeedna xatooyada hantida dadka iyo lacagta ayuu tagaa, haddii aynu taas ka adkaysanona xuquuqda aynu tabanayno markaas ayeynu heli karnaa.”

Ugu dambayn, Murrashax Muuse Biixi waxa uu caddeeyey in horumarka Somaliland ku jiro midaynta shacabka reer Somaliland oo dhan, “Qofku waxa uu faani karaa marka uu isku keeno ee ay wax wada dhistaan ee is-aaminaan dadka xadka Bari iyo ka Galbeed ee Somaliland ee ay cuddudooda iyo caqligooda isku geeyaan, ta uu xisbiga KULMIYE doonayo inuu hirgeliyaana waa taas oo aynu ku midoobaynaa. Qodobka labaad ee haddaynu KULMIYE nahay aynu doonayno inaynu hirgelinaa waa caddaaladda, Ilaahay uun baana caddaaladda haya oo bani’aadamku caddaalad ma dhammayn karo, laakiin waxa lagu dhammayn karaa marka xeerka dadku dhigtay ee sharciga ah la fuliyo ee sharciga aynu dhiganay uu ka sarreeyo qof walba, madaxweynahaas dalka ugu sarreeyana waxa loo sameeyey sharci maxkamad lagu geyn karo haddii uu sharciga ku gefo,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

DAAWO: Khudbadda Guddoomiyaha oo muuqaal ah:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.