Murashaxa Xisbiga WADDANI Iyo Masuuliyiin Kale Oo Siweyn Hargaysa Ugu Soo Dhaweeyay Siyaasiga Caanka Ah Ee Maxamed Biixi Yoonis

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan Masuuliyiin kala duwan oo Xisbiga WADDANI ka tirsan ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa siweyn ugu soo dhaweeyay Siyaasiga Miisaanka culus ku dhex leh bulshada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo uu weheliyo Aqoonyahan Cabdixakiin Xaji Siciid.

Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbiga Maxamed Cabdilllaahi Uurcadde, xubno kamid ah Xoghayaasha, la-taliyayaal iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa soo dhawaynta.

Maxamed Biixi Yoonis Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland hadana kamid ah madaxda ugu saraysa Xisbiga WADDANI oo mudooyinkii u danbeeyay dalka dibadiisa ku maqnaa, wuxuu soo noqodkiisu ku lug leeyahay ka qayb galka xaflad ballaadhan oo maalinta bari Xisbiga WADDANI u qaban doono siyaasiyiin tiro badan oo ka soo jeeda Waqooyiga Hargaysa, kuwaas oo cududooda tageero la babar istaagi doona Xisbiga WADDANI.

Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda kula hadlay garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay inuu Xaflada bari ka qayb gali doono, isla markaana wuxuu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay doortaan isbadalka wanaagsan ee Xisbiga WADDANI.

Aqoonyan Cabdixakiin Xaji Siciid oo muddo dheer ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay socdaalkana ku wehelinayay Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inuu Xisbiga WADDANI ugu biiray sidii Somaliland loo badbaadin laha.

Warfaafinta Xisbiga WADDANI.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.