Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Cirro Oo Jamhuuriyadda Jabuuti Ku Hanbalyeey Xuska Maalinta Xoriyadda

Makka – (warsoor)  – Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiram Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Hanbalyo u diray Jamhuuriyadda Jabuuti isagoo Ku hanbalyeeyay Xuska sannad guurada maalintii xorriyada uu qaatay dalkaasi.

Dr. Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaayay munaasibad ka dhacday maagaalada Jidah wuxuu yidhi,
“Munaasibado badan ayaa isku beemay, waxaynu ku jirnaa wali munaasibadii Ciida Islaamka oo aynu isku bogaadinayno, waxa iyana taagan oo Caawa aynu joogna Xuska 26-Ka June oo ah maalintii Somaliland xorowday, munasibadaasi mid weyn weeye oo aanay cid gaar ahi lahayn dhammaan rer Somaliland xasuus gaar ah u leh. 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. “Waxaan sidoo kale halkan uga faa’idaysanaaya Dalka aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo isna Maanta 27 June ay ku beegantahay sannad guurada malaintii uu xoroobay Hanbalyo ayaan u dirayaa Madaxweynaha iyo shucuubta Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu walaalaha nahay”. Sidaa ayuu yidhi Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.