Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Xalay Berbera Kulan Is-xogwaraysi ah KuLa Qaatay Aqoonyahanka iyo Dhallinyarada Gobalka Saaxil

Berbera – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay magaalada Berbera kulan is-xogwaraysi ah isla mar ahaantaana sida oo kale na lagu soo bandhigaayey barnaamij siyaasaddeedka xisbigaasi la qaatay dhallinyarada iyo aqoonyahanka ka soo jeeda gobalka Saaxil.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta xisbiga WADDANI ku lee yahay magaalada Berbera, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayey, Marwadiisa Marwo Farduus Maxamed Rooble, guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, Marwo Faadumo Siciid, Marwo Saado Dheer, siyaasi Xamarje iyo weli ba madaxda heer gobal ee Xisbigaasi.

Madaxda gobalka iyo weli ba sida oo kale dhallinyarada heer gobal ee Xisbigaasi oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin in guddoomiye Cirro iyo madaxda sare sare ee Xisbigu ba ay kulan is-xogwaraysi ah la qaataan dhallinyarada iyo aqoonyahanka ka soo jeeda gobalka, waxaana ay si aada u muujiyeen in ay ka gobal ahaan la dhacsan yihiin in la soo gaadhsiiyo barnaamij siyaasaddeedka Xisbiga WADDANI oo ay tilmaameen in uu yahay barnaamij ay Berberi kaga bixi karto hagar-daamooyinkii loo geystay oo idil, waxa kale oo carabka ku dhufteen in shacabka gobalka Saaxil gaar ahaan dhallinyaradu ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb-qaataan isbedelka uu wado Xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah dhallinyaraddaasi oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in uu soo gaadho barnaamij siyaasaddeedka Xisbigaasi, waxaana ay xuseen in ka dhallinyaro ahaan ay taageero buuxda la garab istaago doonaan Xisbiga WADDANI oo ay tilmaameen in uu yahay xisbi dhallinyaro isla mar ahaantaana ay aaminsan yihiin in uu wax badan ka qaban doono baahiyaha kala duwan ee dhallinyarada.

Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, Siyaasi Xamarje, Marwo Faadumo Siciid iyo weli ba Marwo Saado Dheer oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa iyagu na si aada ugu dheeraaday in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga keliya ee lexlo-jeclada u leh magaalada Berbera isla mar ahaantaana wax badan ka qaban kara baahiyaha ka jira gaar ahaan kor u qaadi kara ka qeyb-qaadashada siyaasadda ee dhallinyarada iyo weli ba sida oo kale dhinacyada shaqo abuurka iyo horumarintooda ba.

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey sida ay ka xisbi ahaan uga go’an tahay in wax laga qabto baahiyaha magaalada Berbera oo uu tilmaamay in ay u qorsheeyeen in dakhliga ka soo baxa ay iyada dib ugu celin doonaan si ay u horumarto isla mar ahaantaana ay u soo jiidan karto daneeyeyaasha caalamka.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cirro oo ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in ay ka xisbi ahaan farxadweyn u tahay in ay barnaanij siyaasaddeedkii ay soo gaadhsiiyaan magaalada Berbera, waxaana uu xusay in Xisbiga WADDANI uu aad u daneynaayo horumarinta iyo weli ba wax ka qabashada baahiyaha adeegyada aas aasiga ee ay inta badan la dhibban yihiin shacabka reer Berbera oo ay ugu horreeyaan Laydhka iyo Biyaha isaga oo sida oo kale na tilmaamay in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbigii dhallinyarada iyo cadaaladda kaasi oo horumarin doona dhallinyarada sida oo kale na u abuuri doona shaqo abuur.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.