Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Soo Kormeeray Qaadashada Kaadhka Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Doorashada oo Ka Bilaabmantay Gobalka Saaxil

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka kormeer uu ugu kuur-galaayey qaabka ay u socoto qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashada Somaliland ee gobalka Saaxil ku soo maray guud ahaan goobaha laga qadaanayo kaadhka diiwaan-gelinta ee magaalada Berbera.

Kormeerkan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen Marwada Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble, guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, Xoghayaha guud ee Xisbigaasi siyaasi Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, siyaasi Xamarje, Marwo Faadumo Siciid, Marwo Saado Dheer iyo weli ba sida oo kale saraakiisha gobalka ee Xisbiga WADDANI, ku waasi oo dhammaantood ba goob goob u soo kormeeray qaabka ay u socoto diiwaan-gelintu.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo halkaas ka hadlay ka dib kormeerkaasi, ayaa waxa uu sheegay in shacabka ku guubaabinayaan in ay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta si ay uga taliyaan masiirkooda siyaasaddeed ee mustaqbalka isaga oo carabka ku dhuftay in kaadhkaasi uu wax badan uga tari doono noloshooda.

“Farxad-weyn bay ii tahay in aanu maanta soo kormeernay sida ay u socoto kaadh qaadashada diiwaan-gelinta gobalka Saaxil, waxaana aan ku faraxsanahay in ay si habsami ah u socoto oo ay hawl-wadeenada shaqaalaha Komishanku na si fiican u wadaan, waxaana aan ka codsanayaa in ciidamadu ay nabad-gelyada ilaaliyaan, shacabku na ay gacan siiyaan shaqaalaha Komishanka Doorashooyinka iyada oo aan sida oo kalen a shacabka ku guubaabinaayo qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta oo aanay ka habsaami gebi ahaan.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Halkan ka daawo warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=oUPZgwfOeUk&feature=youtu.be

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.