Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Si Adag u la Hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si kulul u weeraray guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo muddooyinkii dambe dhalliilo u soo jeedinaayey isaga oo soo faqay taariikho madow oo uu lee yahay guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, waxaana uu dib u xasuusiyey kaalintii uu ku lahaa hurintii colaadahii dagaalkii  sokeeye, dhiigii daatay iyo weli ba sida oo kale hagar-daamooyin tira badan oo uu sheegay in uu dalka ka geystay Muuse Biixi.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo si gaara ugu waramaayey Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefeeshanka Horn Cable, ayaa sida oo kale waxa uu tilmaamay in uu aad uga xun yahay in ay weli hadlayaan dadkii dhibbaataddii iyo hagar-daamooyinka u horseeday qaranka Somaliland oo uu sheegay in weli ay sii qoyan tahay raadadkeedii sida oo kale na ay sii muuqdaan xabaalahii lagu aasay dadkii uu laayey Muuse Biixi Cabdi.

“Waxa ay ila tahay in ay ayaan darro tahay in dad ay qoyan tahay hagar daamaddii iyo dhibbaataddii ay dalka u geysteen oo ay muuqdaan xabaalahii shacbigii la gumaaday oo Khayriyadda Hargeysa ka lahaa aniga oo wax dili kara duco qaadan maayo in ay maanta cid ku eedeeyaan Maxkamad ha la soo taago, haddii cid Maxkamad la soo taago waxa cad kuwii dadka laayey raadkii uu Muuse jid gooyada u galay Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, qof wali ba wuu og yahay. Markaa walaaleyaal Muuse dadka waxa uu lee yahay aakhiro ayaan u dirayaa, waxa halkan jooga hawl-wadeenaddii Xisbiga ee dhaawaca loo geystay ee la doonaayey in la bajiyo, markaa waxa aan is lee yahay nin baa nin la kulmay oo Xamar geynaaya dadka waxa ka dhow malaha ka leh aakhiro ayaan u dirayaa ee ha la laayo oo isagu wuxu lee yahay dadka ha la laayo.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu shacabka Somaliland ka tuhun saaray in safarkii ay ugu baxeen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ay la soo kulmeen Raysal Wasaaraha dalkaasi Somaliya, waxaana uu carabka ku adkeeyey in isaga iyo intii kale ee la socotay ba aanay ahayn rag loogga shakiyi karo in ay waxyeelo soo gaadhsiiyaan qaranimada Somaliland, waxaana uu yidhi:

“Safarkayagii waxa uu ahaa safar gurmad Somaliland ah oo aan waxba ku badhxanayn, ragga meesha maraayey maaha rag Somaliland loogga shakiyaayo, anigaa maraayey, Maxamed Biixi Yoonis baa maraayey, Xirsi Cali Xaaji Xasan baa maraayey, Cabdirisaaq Khaliif baa maraayey, Maxamed Cismaan Fadal baa maraayey, Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaa maraayey, waxa ay ila tahay qofna Somaliland loogga shakiyi maayo, taariikhdeeda na malaha.”.

Murashaxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI, waxa sida oo kale uu ka hadlay hadalo ka soo yeedhay guddoomiyaha KULMIYE oo sheegayey in uu Maxkamadeynaayo Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo saafay in haddii sawiro la isku dhadhajiyey la isku Maxkamadeynaayo isaga na lagu Maxkamadeyn doono sawiro la isku dhadhajiyey oo ahaa Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Somaliya, waxaana uu u soo jeediyey in aan dadka la marin habaabin ee loo soo diyaar garoobo tartan xor ah oo Xisbiyada Somaliland ku dhex mara goob fagaare ah oo cad.

“Waxa ay ila tahay haddii sawiro la isku maxkamadeynaayo imika ba website yada iyo facebook yada waxa yaala Muuse oo la siwan Xasan Sheekh , sawir meel lagu dhajiyey waxa ay ila tahay isna waa la Maxkamadeyn doonaa haddii sawir la isku Maxkamadeynaayo , waxa aan qabaa umadda yaan la dhalan habaabinin, waa la tartamayaa, sheekooyinkii berigii hore socon maayaan oo garoon xaadhan baanu rabnaa in aynu ku tartano.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa ugu dambeyntii uu si toos ah u la hadlay guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo uu dhagaha ugu riday in shacabka Somaliland ay ka ilbaxeen shukux shukuxda loo tumaayo isla mar ahaantaana Xisbiga WADDANI uu u dhisan yahay siddii dalka loogga badbaadin lahaa siyaasiga kala qoqobaaya umadda reer Somaliland.

“Waxa aan lee yahay Muuse taariikhdaadu way cadahay, taydu na way cadahay oo dalkan badbaadadiisa ayaanu doonaynaa oo Xisbigu Xisbi bedbaado weeye, waxa aanu diyaar u nahay in aynu tartano, shacbigu na way ka ilbaxeen shugux shuguxdaa la tumaayo, shacabka reer Somaliland na waxa aan lee yahay way idiin kala cadahay ka dalka badbaadinaaya, ka dalka mideynaaya, ka shacbiga isku tolaya iyo ka shacbiga qeybinaaya ba.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

Halkan ka daawo warka Gudoomiye Cirro:

Xafiiska Warbaahinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.