Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Bariga London Kulan Ballaadhan Kula Qaatay Wax-garadka Ka Soo Jeeda Bariga Burco

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa bariga Magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska oo uu ku sugan yahay wuxuu kula kulmay waxgaradka iyo aqoonyahan ka soo jeeda Degaanka Bariga Burco.

Kulankaas waxa ku wehelinaayay Cabdiraxmaan Cirro, madaxda Xisbiga WADDANI oo ay ka mid yihiin, Guddoomiye Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde, Hoggaamiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan, Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Aadan Cilmi Dhoolayare, iyo kaaliyihiisa gaarka ah ee War-baahinta Murashaxa WADDANI Muniir Axmed Cigaal.

Kulankaas oo wakhti dheer socday waxay labada dhinac isku waydaar sadeen waxyaabaha muhiimka u ah tageerada jaaliyada degaankaasi dibad iyo gudo inay u muujiso Xisbiga WADDANI.

Waxaanu ku dhammaaday is afgarad iyadoo siweyn uu kulankaas uga hadlay Murashaxa xisbiga WADDANI Mud. Cabdiraxmaan Cirro in aan Xisbiga WADDANI la kala lahayn dhammaan degaanada Somaliland-na Xisbigu u simanyihiin.

Xubnaha Waftiga Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminaayo Guddoomiye Cirro, ayaa kulamo kale oo dheeri ah waxay maal mihii u danbeeyay la yeelanayaanย  qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.