Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo Wefti uu Hoggaaminaayo oo Maanta Si Weyn Looggu Soo Dhaweeyey Gobalka Awdal

Boorama – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey, ayaa maanta magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal kaga qeyb-galay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbigaasi ku soo dhaweynaayey xildhibbaano, siyaasiyiin iyo weli ba taageerayaal baaxad weyn oo ka soo diga-rogtay Xisbgia KULMIYE iyo UCID.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI iyo weftiga uu hoggaaminaayey oo iskugu jiray xubno ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, siyaasiyiin, xildhibbaano iyo weli ba madax kale, ayaa ka hor intii aanay ka soo qeyb-galin xafladdaasi, waxa soo dhaweyn ballaadhan looggu sameeyey deegaanada ku teedsan Dila illaa Boorama iyada oo halkaas dadweynahii ku sugnaa ku qaabileen caleemo qoyan iyo weli ba sida oo kele calanka liimiga ah ee Xisbigaasi oo ay lu laayeen, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku soo dhaweynayaan isla mar ahaantaana ay  ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Xisbigaasi.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo weftiga uu hoggaaminaayo oo ay deegaanaddaasi kaga hor yimaadeen isla mar ahaantaana ku soo dhaweeyeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi iyo weli ba mas’uuliyiin aad u tira badan, ayaa waxa uu guddoomiye Cirro uu xadhiga ka jaray xafiisyo cusub oo Xisbiga WADDANI uu ka furtay deegaanada degmada Dilla iyo Garoya-cowl, waxaana ay tilmaameen in xafiisyaddaasi ay yihiin kuwii isbedelka u horseedi lahaa guud ahaan dalka.

Intaa ka dib, ayaa weftigaa uu hoggaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha WADDANI misna uu hagaayey Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi, ayaa waxa ay  ka qeyb-galeen xaflad ballaadhan oo xisbigaasi uu ku soo dhaweynaayey xildhibbaano, siyaasiyiin iyo taageerayaal tira badan oo ku soo biiray.

Qaar ka mid ah xildhibbaanadii iyo taageerayaashii ku soo biiray oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, waxaana ay xuseen in xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga keliya ee isku wadi kara dalka iy dadka ba isla mar ahaantaana Ictiraaf dhab u horseedi kara qaranka  jamhuuriyadda Somaliland.

“Aad baanu ugu faraxsan nahay in aanu maanta ku soo biirno xisbiga WADDANI, waxaana aanu ka mahad-celinaynaa sida diiran ee na loo soo dhaweeyey anaga oo runtii ka markhaati kacayna in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga keliya ee maanta dalka ka hir-gelin kara isbedel dhaba, waxaana muuqata in xisbigii KULMIYE uu ku fashilmay taladii dalka isla mar ahaantaana ay noo muuqatay in aan lagu sii aaminin karin dalka. Waxa kale oo aanu idiin sheegaynaa in mudadii yarayd ee aanu Xisbiga KULMIYE ku jirnay aanu keliya uun kula shaqeyn jiray nidaamka dawladnimo uun.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah xildhibbaanadii ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha gobalka Awdal ee Xisbiga WADDANI, siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan, siyaasi Geedoole, siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa iyo weli ba sida oo kale siyaasiyiin aad u tira badan oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey xildhibbaanada iyo taageerayaasha kala duwan ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaana ay tilmaameen in la gaadhay wakhtigii uu Xisbiga WADDANI qaban lahaa talada isla mar ahaantaana ay hada socoto dabeyshii isbedel doonimo ee dalka.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay“Farxad bay ii tahay maanta in Afar sanno ka dib kulankii ugu horreeyey ee WADDANI isaga oo urur ah ayaa waxa lagu qabtay hool yar oo ku yaala Boorama oo inyar oo dad ah uun qaada, maanta na waa hoolkii magaalada ugu weynaa ayaa qaadi kari la’ oo aanu in yar oo dadka ka mid ahi uun ay weli ba yimaadeen, waxaana aan rajeynayaa in goballada Awdal iyo Selel ay midnimaddooda ay ku dedaalaan oo aanay noqonin dad xisbiyada iyo siyaasaddu saameyn ku yeeshaan, waxaana aan rajeynayaa in hoolkan laftiisa aynu ku qabsan doono xaflad WADDANI ah oo aan loo kala maqneyn .”.

Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan aad u soo dhaweynayaa xildhibbaanadii iyo siyaasiyiintii ku soo biiray Xisbiga WADDANI, mid keliya ayaana aan lee yahay oo ah gobalka Awdal lama kala laha laakiin xisbiyadu waxa ay ku kala badin doonaan codka ay ka helaan gobalka iyo weli ba magaalooyinka Somaliland, waxaana aan rajeynayaa in Boorama, Selel iyo Dila ba aan WADDANI cidi kula tartami doonin, dhalasha na la sheegan maayee mabda’ bay dadku ku dooranayaan WADDANI oo ay kaga na badinayaan Xisbiyada kale, waxaana aan Ilaahay ka baryeynaa in uu inaga dhigo umad isku tashata oo isku tiirsata oo wax wada qabsata gun iyo baar ba. “.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi: “Aniga iyo weftiga ballaadhan ee idiin ka yimi Hargeysa ba, waxa aanu ku faraxsan nahay sida ballaadhan ee shacbigu noo soo dhaweeyeen ee mugga iyo miisaanka leh ba, waxaana aan idiin sheegayaa in aad WADDANI yiin dhabba tihiin, waxaana aan idiin sheegayaa idinka iyo shacbiga reer Somaliland ba uu yahay Xisbi loo sameeyy shacbiga reer Somaliland. Xisbiga WADDANI beel gaara uma xidhna, beesha aan ka soo jeedo ee Ismaaciil odeyga u yahay na uma xidhna, beesha Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI na uma xidhna se waxa uu ka dhaxeeyaa shacbiga reer Somaliland laakiin waxa aanu idiin ka mahad-naqeynaa in si weyn oo baaxadle aad noo taageertaan, oo aad noo taageerteen aad baan idiin ka mahad-naqeynaa, waxaana aan jeclaan lahaa in xafladdan ay ka soo horreyso xafladda beesha Bahar-carfaan oo ay ta Maxamed Case ka horreyso ayaan jeclaan lahaa iyagu na waa ay soo socdaan ee hada oggaada, waxa kale oon aad u soo dhaweynyaa xildhibbaanada iyo taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga WADDANI.”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.