Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo Wefti uu Hoggaaminaayo oo Lagu Soo Dhaweeyey Dalka Jarmalka

Hargeysa- (warsoor) – Musharax Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo weftigii uu hoggaaminayey ee mudooyinkii ugu dambeeyey safarka shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah waddamada Yurub ayaa gaadhay xalay dalka Jarmalka.

Weftiga Xisibiga WADDANI ee uu Hoggaaminayo Musharxa Cirro ayaa markii ay soo gaadheen magaalo madax-da dalka Jarmalka ee Berlin kala kulmay Jahliyada reer somaliland soo dhaweyn ballaadhan oo ay ku qaabileen, taasi oo ahayd mid aanay u kala hadhin jahliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka jarmalka, iyadoo ay soo dhaweyntaa lagu qaabilay ka mahad-naqeen masuuliyiinta Xisbioga WADDANI, isla markaana ay amaan u soo jeediyeen jahliyada reer Somaliland ee dalka Jarmalka ku dhaqan.

Dhanka kalena habeenkii xalay ahaa ayaa taageerayaasha Xisbiga WADDANI iyo masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee dalka Jarmalka ay xaflad aad u heersaraysa ku qaabileen weftiga, taas oo ay ku soo dhaweynayeeyey weftiga, iyadoo munaasabadaai ku dhammaatay jawigii loogu talogay , isla markaana ay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee uu horkacayey musharax Cirro ay khudbad koo kooban oo mahad-naq iyo xog0-waran ka jeediyeen.

Ugu dambayntii Musharax Cirro iyo masuuliyiinta kale ee Xisbiga WADDANI ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka jarmalka waxay kullamo la qaadanayaan masuuliyiinta dowlada Jarmalka iyo qaybaha kal duwan ee Jahliyada reer Somaliland ee ku dhaqan waddanka Jarmalka, waxa kale oo ay shirar kala duwan la yeelanayaa masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee dalka Jarmalka iyo taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.