Murashax Cirro oo Dalka Ku Soo Laabtay+ Fariin Culus oo uu u Direy Beesha Caalamka iyo Arrimo Xasaasi ah oo uu Ka Hadlay

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo muddooyinkii dambe  socdaal la xidhiidha gudashada waajibaadka Xajka ugu maqnaa magaalada Mekka ee dalka Sucuudiga isla mar ahaantaana dib ugu soo laabtay dalka, ayaa maanta si ballaadhan looggu soo dhaweeyey Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, mas’uuliyiin ka tirsan hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale siyaasiyiin iyo xildhibbaano tiro badan.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo soo dhaweyntaas ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa ugu horreyn ka hadlay ujeedka socdaalkiisii dibadda isaga oo si gaara uga hadlay dhammaadka qaadashada kaadhadhkii diiwaan-gelinta oo maamlo ka hor loo soo gebo-gabeeyey si nabad ah isaga oo cod dheer ku sheegay in dhammeystirka diiwaan-gelintaasi ay wanaagsanaanayso marka iyada na si toos ah loo qabto Doorashada Madaxtooyada Somaliland.

“Waxa aanu marka hore Ilaahay ugu mahad-celinaynaa in ka dib markii aanu soo gudanay waajibaadkii Xajka in aanu nabad-qab dib ugu soo noqonay dalkii Hooyo, waxa kale oo aan jeclahay in aan Alle u mahad-naqo mar labaad ugu na mahad-naqo sida aad ka war-qabteen ay diiwaan-gelintii innoogu soo dhammaato si nabad ah, sida oo kale na kaadh-qaadashadii na ay ugu dambeysay goballada Sool iyo Sanaag ay nabad innoogu dhammaatay, Ilaahay baa mahaddaa iska leh, waanan u mahad-naqeynaa dhammaan ba dadkii ka qeyb-qaatay hawshaasi se waxa la yidhi nin caruur badan lahaa oo dhintay baa aas wanaagsan loo sameeyey deedna mid ka mid ah inamadiisii baa waxa uu yidhi Aabo aas wanaagsan baa u dhacay, markaasuu yidhi waa se haddii uu axanku raaco markaa waxa aan lee yahay guushaa Somaliland u soo hoyatay haddii ay diiwaan-gelin tahay iyo haddii ay Diiwaan-gelin tahay iyo haddii ay kaadh-qaadasho tahay ba, waxa ay dhammeystirmaysaa haddii ay hesho Doorasho wanaagan.”.Ayuu yidhi Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Xaaji Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu beesha caalamka uga mahad-celiyey gacantii ay ku lahaayeen suurto-galnimada iyo qabsoomidda diiwaan-gelinta Doorashada codbixinta ee hada soo dhammaantay isaga oo sida oo kale na ugu baaqey in ay si dhow u la socdaan doorashada Madaxtooyada Somaliland ee dhacaysa daba-yaaqada sanadkan, waxaana uu u soo jeediyey in ay Somaliland u soo diraan goob-joogeyaal caalami ah hubiya sida ay u socdaan hawlaha Doorashadu, waxaana uu yidhi:-

“Wixii ka dhacay Kenya waa aynu ka war-haynaa, waxa aynu u baahan nahay Doorasho xora oo xalaal ah oo aan la fara-fareynin, markaas bay guusha Somaliland ay dhammeystirmaysaa, waxa aanu ugu mahad-naqeynaa beesha caalamka gacantii ay ka geysatay Doorashoyinkii hore ee Somaliland iyo gacantii weynayd ee ay ka geysatay diiwaan-gelinta ba, gacantii koobnayd ee ay ka geysatay kaadh-qaadashada, waxaanan beesha caalamka ugu baaqeynaa in ay si dhow u la socoto arrimaha Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxa aanu ugu baaqeynaa in la keeno goob-joogeyaal caalami ah haddii Alle ka dhigo.”.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa sida oo kale uu boggaadiyey nabadda laga dhex-dhaliyey beelahii muddooyinkii dambe ay dirirtu ku dhex-maraysay Ceel-afweyn isaga oo si weyn ugu mahad-celiyey cid kasta oo ka qeyb-qaadatay nabaddaasi.

“Waxa jeclahay in aan halkan ka hambalyeeyo dadkii xidhay nabadda Ceel-afweyn, mashaqadii ka dhacday degmadaas haddii ay yihiin dadkii dhibku dhex maray oo iyagu hawsha fududeeyey iyo odeyaashii u gurmaday haddii ay salaadiin yihiin, haddii ay guurti yihiin, haday dhaqan yihiin iyo dhammaan ba intii ka qeyb-qaadatay in la soo afjaro oo nabadda la soo celiyo, runtii aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa, waxaanan Illaahay ka baryeynaa in arrimaheena Somaliland ay si wanaagsan innoogu socdaan haddii Alle ka dhigo.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu tacsi tiiraanyo leh uu u direy ehelkii, qaraabaddii iyo guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Marxuum Mubaarik Ibraahim Xaashi oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Xisbiga WADDANI oo ku geeriyooda dalka.

“Saaka waxa la ii sheegay in nin Xisbiga ka tirsanaa oo isu sharaxay golaha deegaanka Berbera oo runtii ahaa nin ku weyn xisbiga iyo dalka ba oo la yidhaahdo Mubaarak Ibraahim Xaashi oo isagu na saaka geeriyooday, Alle naxariistiisii jannatul Fardowsa ha siiyo, dhammaanteena samir iyo iimaan Eebe ha inaga siiyo.”.Ayuu yidhi Xaaji Cirro.

Murashax Cirro, waxa sida oo kale uu ka hadlay u diyaar-garowga ay ugu jiraan Doorashada iyo weli ba sida oo kale guddi hawleedyo muran dhaliyey oo dhawaan uu soo saaray Xisbigu, waxaana uu sheegay in ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin Doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka.

“Xisbiga WADDANI waxa uu diyaar u yahay doorasho dalka ka dhacda, Ololahu na muddo u go’an buu lee yahay, mudadaas na waxa soo saaraya Komishanka Doorashooyinka se Xisbigu waxa uu diyaarinayaa dhismahii uu kaga qeyb-gali lahaa hawshaas haddii ay tahay guddidii Ololaha, haday tahay guddi hawleedyo, haday tahay dhismahii olalaha ee degmooyinka iyo goballada oo la dhammeystiro, markaa waxaas oodhan waanan ku dhex-jirnaa waanan dhammeystirnaynaa, waxaanan u nahay diyaar si aanu si buuxda uga qeyb-galno oo mugle oo dhammeystiran hawsha ololaha, waxaanan xusayaa in Xisbigu uu soo saaray guddi hawleedyo isaga oo ugu tallo-galay in uu ka qeyb-qaato hawlaha xisbiga se waxa guddiyadaas ka muuqday in qabyo ku jirtay se sida aad ka warqabteen qoraalkii uu saaray ee uu saxeexay guddoomiyaha Xisbiga Cabdiqaadir Jirde, guddiyadaas waa la hakiyey, go’aanka xisbiga ee rasmiga ahi na waa kaas oo guddiyadaas waa la hakiyey se marka la qabyo tiro go’aan dambe ayuu Xisbigu ka soo saarayaa iyaga iyo guddiyo kale oo fara badan ba oo looggu tallo-galay in laga ga qeyb-qaato ololaha Doorashada ee Xisbiga.”.

Ugu dambeyntii na, Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa uu si kooban uu uga hadlay Iscasilaadii Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble oo dhawaan ka tagay Xisbiga WADDANI iyo weli ba eedo ka soo yeedhay, waxaaana uu yidhi:- “Siciid Cilmi Rooble, waa nin odey ah oo Somaliland oo dhammi ay wada garaneyso, su’aasha aad iga weydiisay na odeyaashiisa ayaa ka jawaabay aad iyo aad baanad u mahadsan tahay wariye.”.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.