Murashax Cirro iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaano Hoos Yimaada Saaxil

Hargeysa – (warsoor) – Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maanta socdaal ugu baxay goballada Sool iyo Sanaag oo maalmo ka dib ay ka bilaabmayso qaadashadii kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada, ayaa si weyn looggu soo dhaweeyey deegaanada Dacar-budh, Abdaal iyo Lafa-ruug iyada oo sida oo kale na ay halkaas ku soo dhaweeyeen wax-garad iyo taageerayaal tira badan oo ku soo biiray Xisbigaasi kuwaasi oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE.

Weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Siyaasi Ismaaciil yare, Siyaasi Abiib Tima-cad, Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, qaar ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba siyaasiyiin iyo masโ€™uuliyiin aad u tira badan.

Weftigan, ayaa markii uu soo gaadhay Lafa-ruug, waxa ay halkaas xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyeen Wax-garad iyo taageerayaal tira badan oo ku soo biiray Xisbiga kuwaasi oo ka soo diga-rogtay KULMIYE iyada oo sida oo kale na ay halkaas cod dheer kaga sheegeen in ay si weyn u taageersan yihiin Xisbiga WADDANI.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.