Murashax Cabdiraxmaan Cirro: Siyaasi Hankiisa Iyo Hogaamintiisa Somaliland Saddex Kooxood Oo Xisbigiisa Waddani Ku Hirdama U Rahman Tahay

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka Waddani Md  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)  Inta Aan Ka Arkay, Waa Hogaamiye  Dabeecad leh, Dadnimo leh, Deeqsimo leh oo Dulqaad leh, waana 4.  Arimood oo Gadi Kari (Iibin Kara) Hanka qofka  Siyaasiga ah ee uu ku jiro  rabitaanka hogaaminta dal Ahaaneed iyo bulsheed.

Haseyeeshe Carqaladaha Hortaagan ee Ceebta Cid Kasta Maanta u muuqata ee  hortaagan Hogaamintiisa  taladda Jamhuuriyadda Somaliland  Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Md  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ee  Dayrka iyo Xakamaha Aadag ee Birta ah kaga xidhi karta, waa  Saddexdan Kooxood oo Kala Mabaadiida ah oo uu u baahan yahay in uu ka xoroobo.

  1. Kooxdii umadda Somaliland wada dhibsatay ee xilalkii Qaranka iyo Bulshadda u hayeen Hadhka Cad Cidlada kaga yaacay, isla markaana ku sababeeyey Sadbursiimo ay ka waayeen oo Madaxweyne Siillaanyo uu ka diiday  Xisbiga Kulmiye in uu kooxdaasi af-duubo  (Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye 2015-tii qabsaday) oo Ku Soo Fashilmay,  firxadkana Waddani Shidhka u galay ?
  2. Kooxda loogu hadal haynta badan yahay laguna ma jeerto inay Shaadhka Qabyaaladda iyo Haybta ay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Wadaagaan Xisbiga Waddani ku maamulaan kuna kuna caan baxay Naanaysta (Musdambeedka Waddani) oo ah kuwa, Magacii Xisbiga Waddani iyo Hogaamintiisiiba ma jaro habaabiyey?.
  3. Kooxda Saddexaad waa Giimbaartii iyo Hadhaagii Xisbigii Burburay ee Saaxaddaha Somaliland ka baxay ee  UDUB Iyo Rag Ku Soo Fashilmay Siyaasadda Somalia, , waa  kuwo Xukuumaddii Xisbigii  Udub Musdambeedkiisa ahaa oo xilalka ka soo qabtay iyo kooxda ku lamaan Tiimkan oo ah kuwo  mabda’a Somali weynta hore u aaminsanaa aanay jirin wax ilaa hada lagu aamino karo,  waxaanay kooxdan saddexaad ee huwanta ahi  carqalad ku yihiin  tijaabinta hogaaminta Curdinka ah ee Murashax Cabdiraxmaan Cirro, waana Rajo Madhan iyo Faashil Muuqda marka kooxdan ka kooban Siyaasiyiinta Xisbii  UDUB lagu bartay iyo kuwa Mabda’a Somali Weynta aaminsani laabta ka soo ag garaacaan Cirro.

Hadii Saddexda Kooxood ee Kala Mabda’a ah, aanu iska xoreyn  Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxay muujinaysa sida aanu u aheyn, Siyaasi Isbedel Muuqda (Sidda uu ku doodo) oo la taaban karo  bulshadda iyo Dalka Somaliland baahida weyn u qabto u keeni karin.

Diyaariye: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.