Murashaaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyey Xubno Ka Mid ah Siyaasiyiinta iyo Xubnaha Golaha Dhaxe ee Xisbigaas

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan hadhimo sharafeed ah u sameeyey siyaasiyiinta, xildhibbaanada iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiinta golaha dhaxe ee Xisbigaasi ugu jira beelaha Harti ee dega deegaanada bariga Somaliland.

Kulankan hadhimo sharafeedka ah oo ay iskugu yimaadeen siyaasiyiin tira badan oo ka soo jeeda deegaanada bariga Somaliland isla mar ahaantaana saameyn ku leh saaxadda siyaasadda dalka iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin tira badan oo iyagu na ka tirsan Xisbiga WADDANI.

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa la iskaga xog-waraysan lahaa hawlaha Xisbiga iyo weli ba sida oo kale siddii loo dar-dar gelin lahaa ba maadaama ay soo food lee yihiin Doorashadii Madaxtooyada Somaliland, waxaana si weyn la isu la meel dhigay in laga wada shaqeeyo siddii Xisbiga WADDANI uu ugu guuleysan lahaa Doorashadaasi.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada bariga Somaliland ee beelweynta Harti oo iyagu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kulankan hadhimo sharafeedka ah ee uu u sameeyey guddoomiye Cirro, waxaana ay tilmaameen in sanadkaa maanta ah ay ka deegaan ahaan iskugu soo lugo dudeen Xisbiga WADDANI isla mar ahaantanaa ay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuuli doonaan guusha Xisbigaasi, waxa kale oo ay tilmaameen in mas’uulka hoggaaminaaya Xisbiga WADDANI uu yahay nin ay aad ugu kalsoon yihiin misna ay ka rajeynayaan in uu ka dhabeyn doono oo suurto-gelin doono wax ka qabashada tabashooyinka deegaanada bariga Somaliland.

Murashaxa Madaxweynaha oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahya in uu kulankan la qaato siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI ee ka soo jeeda deegaanada bariga Somaliland, waxaana uu tilmaamay in xisbiga WADDANI ay ka go’an tahay siddii u u mideyn lahaa shacabka Somaliland isla mar ahaantaana uu ugu dhaqi lahaa cadaalad iyo sinnaan, waxa kale oo uu u iftiimiyey in Somalilandnimadu ay qiimo ku lee dahay marka ay shacabkeedu wada-jir isku yihiin isla mar ahaantaana ay iska kaashanayaan wax walba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.